Muqdisho, 22 December 2015: Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyai ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka islamarkaana Ganaax la dul dhigay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Tilmaamay in ay sameeyeen Tiro Koob lagu ogaanayo Xildhibaanadii ka maqnaa Fadhiyada Baarlamanka,waxaana uu xusay in 75 Fadhi oo ay Baarlamaanku yeesheen ay ka maqnaayeen Xildhibaano aad u badan oo an cudur lahayn.
“Tiro Koobka aan soo saarnay waxaa uu ku aadan yahay Xildhibaanadda aan soo xaadirin Kulamada Baarlamaanka,waxaa jira Xildhibaano aan 75 Kulan aan soo xaadirin,waxaan u qiimeynay in Xildhibaanadii 50% waxii ka badan ka maqnaa Kulamada Baarlamanka in aan la siin doonin Mushaarkoodii iyo Gunooyinkoodii islamarkaana loo gudbiyay Guddiga Anshaxa EE Baarlamanka”ayuu yiri Jawari.
Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhowr jeer sheegay in lala Xisaab tami doono Xildhibaanada aan soo xaadirin Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya ay yeeshaan tan iyo marki la doortay.
—————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________