Muqdisho, 18 December 2015: Diblumaasiyiin ka socday Wasaarada Arimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa lasoo xidhay tababar mudo labo todobaad ah uga socday magaalada Doha ee dalka Qadar, iyadoona tabarkan oo ay fuliyeen khubaro dhinaca dilumaasiyada ah, ay Qabatay Wasaarada Arimaha dibeda dowlada Qadar.
Mukhtaar Cali Cali yuusuf oo ah Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar, oo khudbad kasoo jeediyey munaasibada ayaa uga mahad celiyey dowlada Qadar sida ay u garab taagantahay dowlada Soomaaliyeed.
Diblumaasiyiinta ka socday wasaarada Arimaha dibeda dowlada Soomaaliya ee tababarku u soo dhamaaday oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay Kororsadeen mudadii ay ku sugnaayeen dalka Qadar, sidoo kalana waxay u mahad celiyeen mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar.
Ugu dambeeysti munaasibadan ayaa waxaa diblumaasiyiinta ka socday Wasaarada Arimaha dibeda Soomaaliya lagu gudoon siiyey shahaadooyin, Waxaana intaasi kadib warbaahinta Qaranka la hadlay Qunsulka Safaarada Soomaaliya oo
diblumaasiyiinta ku booriyey inay cilmiga iyo aqoonta ay kororsadeen wax ugu qabtaan dalkooda
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________