Muqdisho, December 2, 2015 – Wasiirka Batroolka iyo Tamarta ee Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa magaalda Nairobi ka furey shir looga Hadlaya Batroolka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxa uu socon doonaa mudo 3-maalmood ah waxaana looga hadli doonaa Qaybsiga Kheyraadka Dalka ,gaar ahaan shidaalka iyo Macadanta ee Maamul goboleedyada Soomaaliya ,shirka ayaa waxaa qayb galaya dhamaan Maamulada iyo Maamulada goboleedyada ka jira dalka,waxaana abaabulay oo fududeeyey Bankiga Adduuunka.
Wasiirka Batroolka iyo Tamarta ee Soomaaliya Maxamed Mukhtaar, ayaa shirka ka jeediyey warbixin dheer oo ka hadleysa baaritaanada shidaal oo laga sameeyey dhamaan gobolada Soomaaliya ,halka ay marayan iyo qaabka ay u socdaan hawlaha Baaritaanada shidaalka iyo Macdanta.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyey shirarkii uu ka qayb galey oo looga hadlayey shidaalka iyo Batroolka Soomaaliya
Maalmaha uu shirka socon doonaa yaa waxaa looga doodi doonaa qaabka iyo sida ugu haboon oo loo qaybsan karo kheyraalka,Batroolka iyo Macdanta ku jirta dalka.
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________