Moqdisho, November 19, 2015 — Qarax xalay ka dhacay magaalada Afgooye, ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen labo askari, sedax kalane ay ku dhaawacmeen. Qaraxa oo wali la baarayo, ayaa la sheegay inuu ka dhacay Gudaha Guri uu deganyahay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan oo ku yaalla Xaafadda If & Aakhrio.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Miino lagu xiray Guriga oo lala bartilmaameedsanayay Gudoomiye ku xigeenka & Ciidankiisa ilaalada u ah.
Labo Askari ayaa ku dhintay Weerarka & Saddex kalena way ku dhaawacmeen mana jirto ila hada cid loo soo qabtay falkaas.
——————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________