Muqdisho, November 08, 2015 – Xildhibaan Maxamed Xasan oo ka mid ah mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray kala aragti duwaantii ku wajahneyd dhismaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Xildhibaanka ayaa ku aamanay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka dadaalka ay ku soo afjartay muriinkii ka dhashay dhismaha guddiga farsamada iyo sida ay dhexda ugu xiratay xalinta arrintaasi, isagoo soo dhaweeyay in madaxda Wasaaradda ay socodsiiso howshii uu qaban lahaa Guddigaasi.
Maxamed Xasan Qoono ayaa ku booriyay bulshada ka soo jeedda labada gobol in ay gacan ka geystaan dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.
———————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________