5571 Views

Maamulka sanadlaha ah Muqdisho maku amaan geli kartaa ?

Maamulka sanadlaha ah Muqdisho maku amaan geli kartaa ?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 7 November 2015 | Amar ku taagleeynta, isu xoog sheegashada, go’aan aadan cid kala tashan gaaridiisa iyo anaa irida waa caqabadaha ugu waaweeyn ee qaranka Soomaaliya la kici la’yahay, dadka qaarbaa aaminsan in rajo wanaagsani muuqato iyadoo uu ka duulayo in reer markaa uu ka tirsan yahay ama ehel la ah ay hogaanka hayso rajeeynayana in mar uun maamul hirgela suurta galo iyadoo uusan hareeraha eegina waxa uu arkayo keliya u muuqdaan kana cabirqaato.

Maamullada la dhoodhoobo, la magacaabo, la qasbo, la laaluusho iyo dhamaan kuwa aan ku imaan rabitaanka shacabka loo dhisayo maamulkaas midkoodna ma hirgalo, waa laga yaabaa in magac uun ay u jiri karaan ama u jiraan.

Tusaale waxaa kuugu filan dhamaan maamullada federaalka ee wadanka ka jira ka soo biloow Waqooyi galbeed ilaa Jubbadda hoose midkoodna lagama tala geliyo dadka degaannadaa degan, waxaana la isticmaalaa ereyga ah reer heblaa u badan degaankaas sidaasaana wax lagu dhoodhoobaa iyadoo dadka maamulladaa loo dhisayo ay qolada ku abtirsata hogaanka maamulkuna taageeraan qolada kalena loogu yeero dowlad diid, kedibna ay dhamaan maamuladaasi ku dhisan yihiin kala shakin iyo cabsi dadyoowga dhulkaas degan kala qabaan lugahana jiidaan si aanu maamulku u hana qaadin inay isu soo dhowaadaan haba sheegine.

Gobolka banaadir waa rugta ama xaruunta cilladaas, waa caasimadii qaranka, waa magaalo degaan u ah inta afka Soomaaliga ku hadasha, waa magaalo aan la oran Karin reer heblaa dhistay, waa magaalo hantidii qaranka ku dhowaad qarni qaybta ugu badan lagu maalgeliyay, Xaruunta Villa Somaliya, dhamaan dhismooyinka Wasaaradaha iyo wakaaladaha, 97 dugsiyo sare iyo hoose, 6 Machad dugsiyada sare la siman , Jaamacadii Ummadda Gahayr, 26 waddo oo xamar dhexmara, garoonka Dayuuradaha caalamiga ah & dekedda Xamar, Garoonka Stadio Muqdisho iyo Koonis, Golaha Murtida iyo madadaalada, cusbitaalladii Digfeer, Banaadir, Madiina, Laansareeti, Martiini iyo hanti badan oo aanan qoraal ku soo koobi Karin ma ahan hanti reer leeyahay ama uu lahaan karo ee waa hanti qaran.

Untitled
Magaalada Muqdisho hadii ay la mid tahay magaalo beeleedyada kale oo ay beelo gaar ahi leeyhiin sida Hargeeysa ama Gorowe, dadka sheegta Xamar inay iyaga keliya leeyihiin ama ugu badan yihiin ayaa uga adkaan lahaa nabadaynteeda sida labadaa magaalo oo ay beelahaasi u sugeen amaanka Boosaaso iyo Burco.
Halkaas waxaa ka cad in 3 milyan ku dhowaad Xamar degan aysan hal beel oo maanta la dhihi amaankeeda ayay sugi kartaa inaysan jirin,  laakiin maamul maqaarsaar ah waa la sheegan karaa.
Magaalada Muqdisho waxay noqotay magaalo maamulkeedu uu madaxweyne magacaabo nin beeshiisa ka soo jeedana u magacaabo sanadkiiba mar wax isbedel sidaa u weeyna aysan ku soo kordhin raggaas hadii xaqiiqada laga hadlo iyagoo 3dex ama 4 xaafadood oo xamar ka tirsan keliya gabdho toban toban doolar loo qeeybiyay dharna loo iibiyay barnaamij deriseeyn la yiraahdo lacagtana lagu cuno lagu qabto, gudoomiyeyaasha gobolka soo marayna ay xaruumahaas ka qeeyliyaan, iyadoo dhanka kale xaafado xamar ku yaala siiba kuwa ugu qanisan ay Al-shabaab canshuurta ka qaado.

Hadaba waa su’aale maxaa iska bedeli kara maamul maamul lagu bedelay ?

  1. Waxaa ka dhasha ama uu keeni karaa caro, ismaqal la’aan iyo car ii tali ama ay gacmaha gadaal u laabtaan bulshada badankeedu yiraahdaana bal aanu fiirino kana wuxuu  qabto,  waana waxyaabaha kaalmeeya cadaawada magaalada Muqdisho loo qaado, dadka aan waxba galabsana ay maalin walba ugu halagmaan qaraxyo lagula beegsado xaruumaha muhiimka ah iyo dadka waxgalka ah.
  2. Waxaa kaloo ka dhasha barakac ku yimaada raggaas sanadka uun xilka hayay markuu xilligii ka dhamaado inay wadanka isaga qaxaan iyaga iyo reerohooda maadaama ay noqdeen dad lagu raad joogay, kana cararaan wadanka.
  3. Gudoomiyaha iyo Duqa magaalada oo uu hal shaqsi isku qabto isagoo aanan xitaa hal qayb oo ka mid ah awood u lahayn xaafadaha Xamar badankoodana uusan maamulkiisu ka talin, taasoo ah caqabadda ugu wayn iyo isla shaqeeyn la’aanta ka jirta Xamar.

17-kaa dhalinyaro ee maanta xilalka ka haya degmooyinka Xamar oo laga yaabo in dhawaan ay xilalkooda waayi doonaan waxay u dhamaan doonaan qurbaha iyo tahriib maadaama aysan jiri doonin cid kafaala qaada xilkooda kedib, iyagoo ay da’dooduna aad u yaryar tahay mustaqbalkooduna uusan uga suurta geli doonin inay Xamar ugu noolaadaan si xor ah maadaama ay la soo shaqeeyeen maamul lagu muransanaa, qalad galay ama qalad ku dhisan.

Inta Xamar ay cadaalad dararada caasimad u tahay, cadawgana way u fududaan doontaa inuu adeegsado cadaalad darrada, awooda shaqsi kasta oo Xamar lagu sheego inuu hogaamiyo waxaa gabaad u noqon doona dhagxaantaas jidadka ku go’an looguna gooyay si amaanka gardarada loogu sugo, cabsida iyo kala qaybsanaantuna waxay ahaan doontaa nolol maalmeedka dadka reer Muqdisho, jawaabta masuuliyiintuna waxay noqon doontaa keliya mid ku eg waa lagu raad joogaa kuwii falkaas geeystay, lagamana yaabo in wadanka guud ahaan cadaaladi ka hanaqaado.

By Mustafa Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment