Muqdisho, November 03, 2015 – Magaalada Kigali ee Caasimadda dalka Ruwanda waxaa ka socdsa Shirka Ciidamada Boliiska Caalmiga ee Interpol, Waxaana Soomaaliya shirkaas uga qeybgalaya Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Saraakiil kale.
Shirkani oo ah shir muhiim ah oo looga hadlayo Boliiska Caalamka ayaa waxaa ka soo bixi doona qodobo muhiim u ah howlaha Ciidanka Boliiska.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa la filayaa in shirkaasi uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada Boliiska Soomaaliyeed iyo baahiyaha ay qabaan.
———————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________