Muqdisho, November 02 2015 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedralka Soomaliya oo dhegax dhigey Maanta dhismaha cusub Safaaradda Soomalia ee Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Abu Dhabi –UAE : Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedralka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wasiirudawlaha Arrimaha Dibadda ee dawladda aan walaala nahay ee isutaga Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Mohamed Qarqash ayaa dhagax dhigay maanta dhismaha cusub ee safaaradda Soomaliya ee wadanka isutagga Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya Dr. Abdisalan Hadliye Omar, Danjireaha u fadhiya Soomaliya wadan Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir M. Sheekhey Al-hatimi iyo masuuliyiin kale ka socdey dawlada Imaaraadka Carabta oo ay kamid ka yihiin Mattar Al-shamsi, Shibaab Al-faheem oo ah madax ham naamuuska (Protocol) ee wasaaradda Arimaha dibadda imaaraadka , Safaaraddaha laga aqoonsanyahay wadanka UAE, masuuliyinkale oo ka socdey dawlada Somaliya, iyo weliba Qaar kamid ah Jaaliyadda Somaliya ee ku nool wadanka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ahaa dadkii ka soo qeybgalay Munaasabd lagu dhegax dhigayay dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Abu dhabi taasoo dhulka ay ku fadhiso iyo dhismaheedaba ay ugu deeqday dowladda Imaaradka Carabta.
Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa markii aydhamaatey Mudane Xasan Sheekh u mahad celiyay dhegiisa wadanka isutagga imaaraadka Carabta H.H Sheikh Khalif bin Zayid Al-nahyan, Ra’isulwasaaraha ahna Xakima imarada Dubai H.H Sheikh Mohamed bin Rashid Al- Makhtum, dhaxal sugaha Imaaarada Abu dhabi ahna kuxigeenka Teliya ciidanka H.H SheikhMohmaed bin Zayid Al-nahyan iyo Shacabka Imaaraadka kaalintii ay ka qaateen taageeridda hiil iyo hooba leh oo ay marwalabo la garabtaagan yhiin dawlada iyo shaqacabka Soomaaliya, sidokale madaxweynaha wuxu ugu mahadceliyay Danjire C/qaadir Sheekhey doorkii uu ka qaatey xiriirka labada.
Danjire C/qaadir Sheekhey ayaa Sharaxaad dheer ka siiyay madaxweynaha Jmahuuriyada , wasiirada iyo masuuliyiintii ka soo qeyb galay Munaasabadaasi dhegax dhigida qaabka dhismaha Safaaradda, Naqshada iyo Qeybaha ay ka koobnaan doonti asgoo xusey in uu socondoono dhismahan mudo sanad iyo 2 bilood ah, ayna yeelan doonto safaaradda Qeybo muhiim u ah Adeegyadda guud ee ay bixineeyso Safaaradda islamarkaasina ay leedahay qeyb degaan ah.
Dhinacakale jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool wadanka Imaaraadka oo aygana ka mid ahaa dadki ka soo qeybgaly ayaa si weyn u soo dhaweeyay munaasabadan oo lagu dhagax dhigayay dhisma cusub ee Safaaradda 42 sano kadib markii ugu horeysey ee si rasmi ah safaarada soomaliya loogu furey wadanka Imaaraadka aygoo ugu mahadceliyay Safiirka Soomaliya kaalinta lixaadleh uu ka qaatey suurta gelinta Dhismahan cusub.
Isku soo wada duuboo Xiriirka dawlada Somaliya ay la leedahay Dawlada isutagga imaaraadka Carabta ayaa ah mid aad u sareeya islamarkaasina ah mid soo jireen ah.
With best regards
Mahmed Sheikh Issak
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________