Muqdisho, 17 October 2015 – Munasabadaani oo lagu daahfurayey qorista qorshaha horumarinta Qaranka ee sanadaha 2017-2019-ka oo ay wado Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka, Wasiirka Qorsheynta iyo wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi, Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka iyo agaasimyaasha guud ee Wasaradaha dowladda Soomaaliya,
Qorshaha horumarineed ee Qaranka ayaa lagu wadaa in uu badalo barnamijka New Deal oo ku eg 30ka August ee sanadka 2016-ka, waxaana xafladda heeso ka turjumaysa horumarka ku soo bandhigay qaar ka mid ah fanaaniinta kooxda Heegan.
Xuseen Ceelabe Faahiye oo ah qabiir dhinaca samaynta qorshaynta Qaranka, isla markaana ka mid ah dadkii sameeyey qorshihii Qaranka ee sanadkii 1962dii ayaa sheegay in helista qorshe Qaran ee uu yeesho dalka ay tahay talaabada ugu muhiimsan ee dal lagu horumarin karo.
Wasiir ku-xigeenka Wasaraadda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha Qaranku uu yahay tan ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Sheekh Yusuf Cali Caynte aya xusay in dhamaytirka qorshaha horumarinta Qaranka uu qaadan doono bilaha ka dhiman sanadkaan, isla markaana golaha wasiirada la horgayn doono bisha June ee2016ka si ay u meel mariyaan
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo furay samaynta qorshaha horumarinta Qaranka ayaa tilmaamay in u jeedada laga leeyahay Qorshahaan uu yahay yareynta saboolnimada iyo shaqlo la’anta guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
———————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________