Mogadishu, 16 October 2015 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xili Shalay uu ka hadlayay munaasabad maalinimadii shalay lagu qabtay magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa uu odayaasha dhaqanka ee deegaanada Maamulka Koonfur galbeed Ee Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi kuna howlan soo xulista xildhibaanada maamulkaasi uu yeelanayo ugu baaqay in ay ku dadaalaan Cadaalada ayna ka fiirsadaan cida ay soo xulayaan.
Madaxweynaha ayaa odayaasha ku adkeeyay in ay hubiyaan shaqsiga ay ku soo darayaan Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ka hor inta aysan soo xulin la tashiyo badana ay ka sameeyaan si uu u noqdo shaqsi ku wanaagsan Dowladnimada daacadna u ah dalka iyo dadka, waxaana ilaah uu ugu baryay in uu u fududeeyo mas’uuliyadaasi culus.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sii hadlay ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada Dowladnimada ay u leeyihiin haweenka oo uu sheegay in nabada iyo dowladnimada aduunka lagu cabiro hadba inta haweenka ay kaga jiraan Dowladda, waxaana wax wanaagsan uu ku tilmaamay in haweenka laga qeyb galiyo siyaasadda dalka.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in mar walbo ay ku dadaalaan dib u heshiisiinta isagoo dalbaday in kor loo qaado calanka dib u heshiisiinta ee Cad, taasi uu ku tilmaamay in dalkeena muhiimad gaar uu u leeyahay, waxaana uu xusay in dib u heshiisiinta meel ay ku dhamaataa aysan jirin.
Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee shalay beydhaba uu ku tagay ayaa ku qotontay xog wareysi iyo ka talobixinta halka ay marreyso xulista barlamanaka mamaulka Koonfur galbeed.
.
———————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________