4254 Views

Ra’iisulwasaaraha oo tacsi u direy Turkiga

____________________________________________________________________________

113-620x264

Muqdisho, 11 October 2015- Qarax argagaxiso ayaa ka dhacay magaalada Ankara kaas oo galaaftay dasaasiin dad ah Ra’iisulwasaaraha dowladda Federaalka ah  Mudane Cumar C/rashiid waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u direy madaxweynaha, dowladda iyo gud ahaan dadka dalka Turkiga.

“Anigoo ka wakiil ah dowladda Federaalka Soomaliya waxaan la wadaagayaa dhibaatada ku dhacday dadka Turkiga, dowladda iyo qaranka Turkiga  oo ku waayay nafta dad badan oo aan waxba galabsan ka dib labo qarax oo shalay ka dhacay magaalada Caasimadda u ah Turkiga ee Ankara. Waxaan u rajaynayaa in kuwo ku dhaawacmay caafimaad deg deg ah ay helaan. Iyo in kuwii falkaasi ku dhintay eheladooda lala qeybsado murugada heysata.” Ayuu yiri Ra’iisulwasaare Cumar.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu kalsooni buuxda uu ku qabaa kartida madaxweyne Recep Tayyib Erdogan, Ra’’iisulwasaare Ahmed Davutoglu, dowladda iyo guud ahaan qaranka Turkiga in ay u istaagi doonaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan oo kale in aanay markale u soo laabanin isla markaana marna ka weecanin wadada horumarka iyo dimograadiyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay balan qaadaysaa in taageeradooda la garab taagan yihiin dadka iyo dowladda Turkiga gaar ahaan dhibaatadan hadda ku dhacday ayaa lagu soo gebagabeeyay war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment