Muqdisho, 05 October 2015 – Wafdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta gaaray Dalka Kuwait halkaas oo ay uga qaybgali doonaan shirka kala fadhiga 62aad ee Ururka Caafimaadka Adduunka Qaybta Bariga Dhexe oo ka furmaya dalkaas.
Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka mid ah La Taliyaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdi Cawad iyo Maamulaha Xarunta Khaliinka Indhaha ee Muqdisho Dr Cabdisamad Xasan Maxamed.
Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Xawo Xasan Maxamed Markii ay tageen Dalka Kuwait waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaas Danjire Cabduqaadir Amiin Sheekh, la Taliyaha Safaaradda Abiib Muuse Faarax iyo u qaybsanaha Waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait Dr Cabdiladiif Xuseen Maxamed.
Shirka oo maanta dalka Kuwait ka furmaya ayaa socon doona muddo Sideed Maalmood ah, waxaana ka qayb galaya Wasiirrada Caafimaadka Dalalka Carabta.
———————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________