Muqdisho, 05 October 2015 –Tababarkaan oo Sare loogu qaadayo Aqoonta Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka ayaa maata ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo socan doona mudda afar maalin ah.
Tababarka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda EISA ayaa waxa loo furay Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka si sare loogu qaado aqoontooda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Cali Abti Doon Xalane ayaa sheegay in Tababarkaani uu kamid yahay kuwo badan oo ay ugu diyaar garoobayaan ka qeyb qaadashaya Hiigsiga sannadka 2016 xilligaas oo la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan doorashooyin.
Dhanka kale agasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo federaalka dowladda Soomaliya waxa uu kula dar-daarmay dhinacyada tababarka loo furay in ay ka faa’iidfaystaan casharrada lagu bixinayo inta uu socdo tababarka.
Saraakiishii ka socotay Hay’adda tababarka bixineysa ayaa iyana sheegay in ay diyaar u yihiin Sare u qaadista aqoonta iyo tayada shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Soomaliya oo ay ugu horeyaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federalka Xukuumadda Soomaaliya.
.
———————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________