Muqdisho, 26 September 2015: Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amba baxay dalka iyagoo ku siijeeda dalka Maraykanka.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku sii sakootiyay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa ayaa Magaalada NIYOK ee dalka Maraykanka uga qayb galidoona Shirka golaha ammaanka QM.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka Golaha Ammaanka QM ka jeedin doona qudbad uu uga hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo Horumarrada Dowladda ay gaartay.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan dalka Maraykanka waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan Madaxda dalkaas.
_______________
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________