Muqdisho, September 20, 2015—Gudoomiyha ruugta Ganacsiga ee Soomaliya Maxamuud Cabdi Gabeyre iyo wafdi la socday oo maal mahan booqasho ku joogay caasimada dalka Turkiga ayaa heshiis isfahan ah kula saxiixday Istanbul hey’adaha ugu waa weyn Turkiga, DEIK oo qaabilsan xiriirka arrimaha dhaqaalaha ee dibadda DEIK foreign economic relationship Board.
Heshiiska waxaa goob joog ahaa agaasimaha rugta Ganacsiga ee Soomaliya, Cabdi Abshir Dhoore iyo Madaxa Xafiiska Ganacsiga ee safaradda soomaliya ee dalka Turkiga Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego”, heshiiska waxaa uu ka koobnaa 8 qodob, waxaana wada saxiixay dhanka Soomaliya guddoomiyaha rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Gabayre dhanka kale waxaa u saxiixay Xoghayaha guud, ee DEIK Mustafa Mente,
Kulanka ayaa inta uu socday waxa uu guddoomiyaha rugta Ganacsiga ka warbixiyay dhamaan fursadaha ka jira dalka iyo sida ay muhiim ugu tahay walalahooda dalka Turkiga inay wax wada qabsadaan, iyadoo Xoghayaha guud ee DEIK uu balan qaaday inay abuuri donaan Ganacsiga ka dhaw midka ay la leeyihiin Soomaaliya hada ayna usoo diri donaan wafdi balaaran oo ah ganacsatada Turkiga ah sida ugu dhaw
Dhanka kale guddoomiyaha rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gabeyre ayaa la kulmay madaxa shirkada Albayrak ee hada ka howlgasha Dekadda weyn ee Muqdisho, isagoo ku amaanay shirkada Albayrak shaqada fiican ay ka hayso dekadda Muqdisho, tasoo u ah isha Ummadda Soomaaliyed.
Madaxa shirkada Albayrak Ahmet Albayrak ayaa sheegay dhankiisa inay tahay waajib saarnaa inay wax la qabtaan walalahooda Soomaaliya ayna sii wadi doonaan shaqada ay ka hayaan dekadda Soomaaliya, waxaa uu balan qaaday inay la shaqeyn donaan rugta Ganacsiga Soomaaliya, waxaa kaloo uu balan qaaday inay dekadda casriyeen ku samayn doonaan.
________________
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________