Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Dawlada Puntland C/qaadir Maxamed Yuuusuf iidi oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Turino ee dalka talyaaniga asagoo Cusmaad rasmi ah ka helay Masuuliyiinta Magaalda ayaa halkaasi kula kulmay duqa Magaalada Torino Piero Fassino Ugu horayn Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa ka qayb galay shir loogu magac daray Puntland-Somalia Press-Conference oo arbacadii 16 September 2015, lagu qabtay Qasriga Dawlada Hoose ee Magaalada Turino , shirkaasi oo ay goob joog ka ahaayeen,Mooris Brown, hoggaamiyaha xisbiga walaalaha ee magaalada Turino iyo Gobolka Piedmont, wariye sawirqaade Alberto Alpozzi, oo katirsan ololaha hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee Geeska Africa iyo qoraaga buugga "Manaarada Mussolini", Alberto Alpozzi iyo masuuliyiin kale Mooris Brown hoggaamiyaha xisbiga walaalaha ee magaalada Turino oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay gobolka Piedmont sanad gudihiis soo dhawaynta iyo caawimada dadka tahriibayaasha ah oo kaliya ku bixiyaan qiyaastii 80 million, waxaa fiicnaan lahayd ayuu yiri in ugu yaraan qayb ka mid lacagtaas lagu maalgaliyo oo fursad lagu siiyo horumarinta jiilalka Afrika ee halista u galaysa dhimashada badda Mediterraneanka ama ku biiraysa ururada argagixisada sida ururka alshabab ee dagaalada dhiiga badani ku daateen ka wada koonfurta soomaaliya iyo Dalka kenya. Mr. Mooris Brown ayaa intaasi ku daray : Waa inaan ka fikirnaa siyaasadd ka hortag ah iyada oo loo marayo iskaashi caalami ah oo lagu caawinyo qoysaska si ay u xaliyaan dhibaatooyinka isla goobta ay ku sugan yihiin ,si looga hortago in xasuuq ka dhaco badda Intaasi Kadib Gudoomiayaha Gobolka Gardafuu ayaa kulan la yeeshay duqa Magaalada Torino Piero Fassino, waxayna uga wada hadleen kulankaasi xiriirka Puntland iyo Talyaaniga , gaar ahaan Gobolka Gardafuu ,Wada hadalkooda oo qaatay muddo saacado ah ayaa Gudoomiyu ku soo bandhigay hindise lagu mataanaynaayo magaalada Turino, caasimadda Gobolka Piedmont ee Dalka talyaaniga, iyo magaalada Caluula ee xarunta Gobolka Gardafuu ee Dawlad Goboleedka Puntland. gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Abdulkadir Mohamed iidi ayaa yiri: "Waxaa ka dhexeeyay xiriir gobolkeena Guardafui oo ku yaal cirifka Geeska Afrika iyo magaaladiinaTurino tan iyo markii sawir qaade ka socda Turino, oo la yiraahdo Carlo Pedrini, uu diiwaan galiyay markii ugu horeysay dhismaha Manaarada Francesco Crispi, Guri Dawladeed oo ku haray ilaa maantadan la joogo Puntland iyo soomaaliya casrigii gumeysiga. gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa ku daray in xiriirka labada dal iyo magaalaba yahay mid hore oo taariikhiya asagoo sheegay in fursaddan uga faaiidaysanayan si ay u cusboonisiin lahaayeen iskaashigii u dhexeeyay magaalada Turino, caasimadda Gobolka Piedmont ee Dalka talyaaniga, iyo magaalada Caluula ee xarunta Gobolka Guardafu ee Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya Gudoomiyaha ayaa yiri Waa fursad sidoo kale ganacsiga talyaanigu uu fursado badan oo maalgashi ka heli karo dalkeena. Ugu Danbayntii Gudoomiye C/qaadir iidi ayaa yiri "Italy waa Gurigaygii labaad Markii aan halkan imaado mar walba soo dhaweeyn sida ugu wanaagsan oo suurto gal ah ayaa lay sameeyaa, Waxaan leenahay taariikh muhiim ah oo iskukaya keenta oo na xiriirisa : . Maxamed Ibraahim Axmed Baargaal -Gobolka Gardafuu_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________