Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto, Canada |
Sebtember 11, 2015 |
Ku: Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Federaalka ee booqashada ku jooga Toronto
Ku: Gudiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Ku: Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka Soomaaliya
Ku: Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Og: Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya
Og: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
Og: Maamul Goboleedyada Soomaaliya
Og: Ururada Bulshada Rayidka
Og: Dhamaan Umadda Soomaaliyeed
Ujeedo: Talo soo jeedin ku saabsan Qabyo Qoraalka Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda Soomaalida.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto, Canada oo ah hooyada Jaaliyaddaha Waqooyiga Ameerika ayaa waxay u tahay sharaf iyo fursad qaali ah oo aanu kula hadalno Gudiga ka socda Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka oo noogu yimid Toronto, una soo gudbino talooyinkeena ku saabsan ujeedada kor ku xusan. Aad baan u soo dhaweyneynaa imaanshaha wafdiga noo yimid iyo wada tashiga aanu wadagalnay.
Calaamadaha Qaran lagu garto waa inuu leeyahay dad, xad iyo gobanimo (sovereign). Qaran aan dad lahayn ma jiro. Sharciyada Jinsiyaddu iyo Socdaalku waxay la jaan qaadaan danta dhaqaale, bulsho, amni iyo siyaasadeed ee dal kasta leeyahay.
Anagoo garawsan muhiimada socdaalka wafdiga oo ku saabsan Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda oo muhiim ah ayaa Jaaliyadda Toronto waxay yeelatay wadahadal ama dood ayada dhexdeeda ah, ugu dambeyntiina ay isla garteen talo soo jeedinta hoos ku qoran:
- Ka dib markaan dhegeysaney sharaxaadii wafdigu ka bixiyeen Qabyo Qoraalka Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda,
- Ka dib markaan aqriney Qodobka 2aad ee Dastuurkii 1960, iyo Sharciga namberkiisu yahay 28 ee soo baxay bishii Diisember 1962 oo labaduba si cad u qeexaya cida “Soomaali” ah, guurka muwaadinada Soomaaliyeed ay guursaneyso ajanabi iyo guurka muwaadinka iyo ajanabiga dhexmaraya,
- Ka dib markaan odorosnay Qodobka Sideedaad ee Dastuurka Qabyo Qoraalka ee hada jira oo cadeynaya in qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu qaadan karo jinsiyad kale (Labo Jinsiyadle),
- Ka dib markaan dhegeysaney Doodo kulul iyo dareenka Jaaliyadda Toronto ay ka muujiyeen Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda,
- Ka dib markaan aragnay xaalada adag ee amni iyo dhaqaale ee dalkeenu ku sugan yahay,
- Ka dib markaan aragnay kala qeybsanaanta iyo burburka bulshadeenu ku sugan tahay, inkastoo qodobka jinsiyadda ay ka mideysan yihiin inuu yahay lama taabtaan,
- Ka dib markaan aragnay awood darada hey’adaha dastuuriga ah iyo kuwa maamulka ee dalka oo aysan si buuxda u hanan Karin koontaroolka xadadka beriga, cirka iyo badda.
- Anagoo tixraaceyna Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda Qodobkiisa ku saabsan qaxootiga ayaa waxaa xusid mudan in nidaamka nabadgelyo siinta qaxootiga uu ku qeexan yahay Heshiiska Caalamiga ah ee lagu saxiixay Geneva 1951. Sidaa daraadeed waxaa haboon in qaxootiga Soomaaliya imanaya ama kuwa hada joogaba la siiyo xuquuq qaxootinimo oo ay ugu noolaan karaan dalka gudahiisa si waafaqsan heshiiskii 1951 oo aanan la’siinin degenaansho rasmi ah (automatic residency) marka ay dalka soo galaan. Ma jirto meel Africa ka tirsan oo ay qaxootigu ku noqdaan muwaadin mudo sideed sano gudaheeda ama ay ku helaan degenaansho rasmi ah.
- Ka dib markaan aragney in qodobada ku qoran Hindise Sharciyeedka qaarkood ay yihiin kuwo aad u siyaasadeesan, keeni karana qilaafyo waaweyn oo sal balaaran iyo xasaasiyad hor leh ayaa,
- Jaaliyadda Toronto ayadoo tixraaceysa go’aankii madax dhaqameedyada Soomaaliyeed ay ku gaareen magaalada Muqdisho bishii Agoosto sanadkii 2012, ayey Jaaliyaddu soo jeedineysaa in nidaamka Jinsiyadda loo daayo sida ku qeexan Sharci Namber 28, qodobkiisa 3aad oo soo baxay bishii Disember 1962. Qodobka 3aad ee Sharci Namber 28, wuxuu u qeexayaa qofka Soomaaliga ah sidatan “ Qof kasta oo isirkiisu yahay Soomaali waa Soomaali”. Yaa Soomaali ah waxaa kale oo ay ku qeexan tahay Dastuurkii 1960 iyo kan Qabyo Qoraalka sida ku meel gaarka ah loo ansaxiyey sanadkii 2012, oo labaduba u qeexaya qofka Soomaaliga ah sidan “In dadka Soomaalida ay ka kooban yihiin dhamaan muwaadiniinta”. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa mar labaad in aanan loo baahneyn in waqtigan laga hadlo jinsiyadda Soomaalinimada.
Anagoo qirsan marxaladaha adag ee lagu shaqeeyo baa hadana jaaliyaddu waxay aaminsantahay in Xukuumada iyo Baarlamaanka ay horyaalaan howlo ka muhiimsan Sharciga Jinsiyadda oo aad u culus oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiin buuxda, amniga, dhameystirka dastuurka, meel marinta dimoqoraadiyeenta, in nidaamka federaalka la dhiso, dhisida heykal dawladeed oo sal leh, kalsooni abuuris ayada iyo shacabkeeda, dhisida kaabayaasha dhaqaale, dhisid ciidan qaran, meel marinta doorasho dadban 2016, abuuris xasilooni siyaasadeed, sharci sareynta, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo cadaalad darada.
Ugu dambeyn waxaan ka codsaneynaa Gudiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dhamaan xildhibaanada Soomaaliyeed in la joojiyo Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda laguna dhaqmo Sharciga Jinsiyadda ee namberkiisu yahay 28, Datuurkii 1960 iyo kan Qabyo Qoraalka.
Waad Mahadsantihiin,
Gudiga Jaaliyadda Toronto ee Qoraalka
- Aden Cabdi Hire (Abba)
- Mahad Sheekh Yusuf
- Moxamed Dahir
- Maxamed Abuukar Xaaji Adan
- Cabdirisaq Xasan Geedi
- Guuleed Cismaan
- Cawad Casharo
- Ahmed Haamuud
.
.
________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________