August 28, 2015 – Madaxda sare ee ku guuleystey doorashadii 2012ka ka dhacday Soomaaliya ma aysan noqon kuwo la mahdiyey hogaankooda kadib markii ay ku guuldareysteen dhameystirka qorshihii dib loogu dhisayey dowlad Soomaaliyeed oo dhameystiran,iskeedna isku maamuli karta. Qorshahaas waxaa ka dhimanaa in la sameeyo maxkamadda dastuurka, dib u eegista dastuurka qabyada ah, dib u curinta hayadaha aasaasiga ah ee dowladda, iyo curinta xeerarka shacabka u diyaarinaya iney galaan doorasho guud oo dimoqaraadiya oo dalka ka dhacda 2016ka.
Taariikhdu markey ahayd July 28, 2105,waxey ahayd maalin lagu dhiiradey in la sheego run qaraar oo wakhti badan la qarinayey kadib markii ay madaxda sare ee Soomaaliya ay ku heshiiyeen iney ku dhawaaqaan Soomaaliya ineysan doorasho guud ka dhaci karin 2016ka. Hadalkaas wuxuu xambaarsanaa dareen abuuray dhiilo, rajo xumo, iyo balan ka bax ay ku mideysan yihiin madaxda Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka, waxaana shacabka Soomaaliyeed u soo baxday ineysan harin wax dambe oo laga sugto isbaheysiga caalamka iyo madaxda Soomaaliyeed. Balanxumadu waa dhaqanka ugu liita oo looga cabir qaato shaqsiyad aan caqiidadeeda lagu aamini karin. Shacabka Soomaaliyeed waxey ka aamin baxeen hadalada beenta ah ee ka soo yeera bulshada caalamka iyo madaxda Soomaalida, waxeyna gaareen heer ay ka quustaan waxqabad dambe oo laga sugo iyo xilkasnimo lagu aamino madaxda Soomaaliyeed ineysan harsaneyn.
Waxaa lama huraan noqotay kadib markii lagu guuldareystay in la dhiso dowladnimo xalaala oo ku dhalata rabitaanka shacabka, in la bilaabo burburinta beenabuurkii la soo sameeyey 2012. Markii ay cadaatay in lagu hungoobey balanqaadkii lagu doortay madaxda sare oo loogu igmaday in shacabka ay gaarsiiyaan doorasho xor ah sannadka 2016ka, ayaa hadda balantu waxey noqotay in 2016ka la hiigsado in shacabka nabad lagu gaarsiiyo meeshii laga soo hayaamay 2012. Bulshada caalamka oo ay horkaceyso UNka ayaa ka dalbaday Soomaalida iney wadatashi ku soo gudbiyaan tilaabada bedelkeeda laga qaadayo burburka ku yimid Hiigsiga 2016ka. Iyadoo laga tilmaan qaadanayo aragtidaas ayey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed waxey hogaamiyaha Soomaaliyeed u soo jeediyeen eedeymo aad u culus oo haddii lagu helo uu ku muteysan karo in maxkamad lagu soo taago, ciqaabteedana la marsiiyo. Hogaamiyaha ugu sareeya dowladda Soomaaliyeed marar badan waa loo soo jeediyey inuu xilka isaga dego isagoo u tanaasulaya maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, laakiin sida muuqata marna wax garawshiyo ah kama muujin. Bulshada Caalamka jawaabta ay deg dega u heshay ma ahan mid ay fileysey oo raacsan go’aanka ay sida qarsoodiga ah u gaartey oo ah iney qariidad cusub u jeexdo fulinta hawlaha kala dhantaalan, si xeeladeysana hawlgab uga dhigto madaxdii hore, kuwo cusubna ay soo saarto awooda. Isbedelka qunyar-socodka ku saleysan oo ay hogaamineyso UNka waa midka maanta dhaliyey waxqabad la’aanta marka laga soo bilaabo dadaalkii ay soo bilaabeen 1993. Soomaalida in la isku daayo waxey dhaanto ma leh oo iyaga lagu ixtiraamo go’aan ka gaarida aayaha dalkooda.
Waxaa mudan in la soo dhaweeyo dalabka ay xildhibaanadu ku cadaadinayaan hogaamiyaha Soomaaliya inuu xilka si nabada isaga dhiibo, waana tilaabo xaqa oo ugu dambeysta ku soo biyo shubaneysa in xilka si sharciya looga qaado. Hogaamiyuhu wuxuu ku qasban yahay ama inuu noqdo mid sharcigu xoog xilka uga qaado ama si xilkasnimo leh mid u tanaasula oo labaduba ay ka turjumayaan inuu yahay shaqsi ku xukuman inuu dhaco. Waxey kooxda ka talisa madaxtooyada ku caan baxday xirfada loo qorsheeyo dheereeynta hawalaha la rabo in wakhtiga lagu daahiyo. Sida ka muuqata kooxdaas waxey doorbidayaan sannadka u dhiman inta badan iney ku dhameystaan isjiid-jiid iyo iskadabawareeg xeeladeysan oo suurtogelisa in dhamaadka 2016ka lagu wada gaaro meel ebera oo cid walba awoodii ay lahayd gacanteeda ka baxday. Falcelintooda ugu horeysa waxey ku bilaabatay iney garaacan durbaan qalalaase oo ay buun ugu yeerinayaan caadifad qabyaaladeed kooxihii beeleysiga iyo burcadnimada ay dowladnimada iskaashiga kula sameysteen. Dagaal diimeed iyo midka qabyaalada Soomaalidu waa ka sii adkaaneysa, cida gadaal ka soo gasha dagaal lagu kala adkaaday waxey u muuqataa tacab shiidle.
Haddii ay dhacdo in si deg deg ah loo tuuro hogaamiyaha, wuxuu sharcigu u ogolaanayaa in gudoomiyaha baarlamaanka uu si kmg talada dalka u hogaamiyo. Gudoomiyaha baarlamaanka ma lahan tayo hogaamineed oo lagu aamini karo oo uu hal saac keliya dalka ku xukumi karo. Waxaa xusid mudan Sheikh Mukhtar Mohamed Hussein oo xilka madaxweynenimada dhaxal sharciya ku helay october 15, 1969, kaas oo usbuuc kadib hogaamintiisu u horseeday afgembigii dalka ka dhacay. Xogtaas waxey tilmaameysaa marka hore in la rido gudoomiyaha baarlamaanka oo la soo doorto gudoomiye u muuqda mid shacabka gelin kara dareen lagu kalsoonaan kara hogaamintiisa, dalkana gaarsiiya doorasho deg deg ah oo loo sameeyo madaxweynaha iyo xildhibaanada 2016ka, taas waxey keeneysaa in madaxweynahaas kmg ah la siiyo fursad ah hal sanno si uu dalka uga hirgeliyo doorasho kmg. Madaxweynahaas kmg oo dhaxaltooyo sharci ku yimid xilkiisu wuxuu ku koobnaan karaa sannadka kala guurka oo noqon karta Septemper 2015 – October 2016.
Hogaamiyaha hadda jira uma suurtoobeyso inuu dalka geliyo xaalad deg deg ah oo u saamaxda inuu kala diro baarlamaanka, waayo ciidan iyo shacab u hogaansamaya amarkiisa ma jiro oo uu xukumo, waayo awoodiisu ma gaarsiisna heer qaranka oo dhan ay taladiisu ka shaqeyneyso, wuxuuse awooda gorgortanka uu ku baxayo inuu shardi uga dhigo in doorasho deg deg ah ay dalka ka dhacdo bilowga sannadka 2016ka. Heshiiska lagu gaaro doorashooyinka la soo hormariyo waxey u dhigantaa kala dirista baarlamaanka. Haddii lagu heshiiyo bisha february 2016ka in la bilaabo ololaha doorashooyinka,waxaan la hureyn in la siiyo musharixiinta baarlamaanka saddex bilood oo ay ku sameeyaan ololahooda doorashada, kadibna ay ku soo dhamaato doorashada oo dhacda bisha June 2016ka. Doorashooyinku waxey ka dhici karaan shan degaan oo Soomaaliya loo qeybiyo, degaan kastana degmo ka mida la isugu geeyo labaatan kun oo soo dooranaya xildhibaanada degaankooda. Tiradaas badan waxey meesha ka saareysaa in doorashadu u dhacdo si musuq ah iyo shacabka degaanadaas iney helaan tiro ku filan oo qeybaheeda kala duwan u mateli kara, waxaa intaas wehliya in amaanka hal degmo oo dadka la isgu geeyo ay suurtogal tahay in la damaanad qaado. Waxaa kaloo xusid mudan in doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya caalamku u qoondeeyey lacag ku dhow hal bilyan oo Dollar, taasna waxey fursad u tahay degaanada Soomaaliyeed ee lagu qabanayo doorashooyinka, waxeyna lid ku noqoneysaa dhaqaalahaas iney ku dhamaadaan gacmaha shisheeyaha. Xildhibaanadda ku guuleysta doorashadaas ayaa dejin doona xeerarka loogu diyaar garoobayo doorasho guud oo dhacda 2018ka.
Bulshada caalamka waxaa indhaheeda ka hor-muuqda oo keliya lacagta dhan 900 milyan ee loogu talagalay in doorasho loogu sameeyo Soomaaliya, waxeyna dafirsan yihiin iney qeyb ka ahayeen guuldarada ku timid qorshihii Hiigsiga 2016ka. Waxey marar badan sheegeen ineysan suurtogal ahayn wakhti kororsi lagu sameeyo dowladda, waxeyna cabsi ka qabaan haddii waqtiga la kororsado in doorashadu meesha ka baxeyso. Waxaan la hureyn waa wakhti dheereyn in la sameeyo mar haddii la waayey dowlad ku timaada doorasho guud oo dimoqaraadiya, laakiin waxaan qabaa in wakhti dheereysigaas uusan ahayn mid loo sameynayo madaxda iyo baarlamaanka hadda jira laakiin waa inuu ahaado madax kmg ah oo ku imanaya doorasho kmg ah. Wixii aan ku imaan doorasho guud oo dimoqaraadiya marna ma noqon karaan dowlad rasmiya oo ka turjumeysa adeega danaha dadkooda, sidaas daradeed waxaa loo baahan yahay in la qaado hal tilaabo oo kmg oo loogu sii dhowaanayo doorasho guud oo dalka ka dhacda.
Haddii lagu heshiiyo iney baxaan gudoomiyaha iyo hogaamiyaha beelnimada logu soo xushay sannadkii 2012 oo labaduba ay aqbalaan xilka iney ka degaan september 2015ka, haddana la dhaqangeliyo in xildhibaanadu ay bisha February ku egtahay wakiilnimadoodu, shacabka Soomaaliya waxaa dib ugu soo noqoneysa rajadii ay ka qabeen iney helaan isbedel siyaasadeed oo ka shaqeeya maslaxada ummadda Soomaaliyeed. Waxaa xiliga kala guurka oo noqon kara hal sanno dalka hogaaminaya madaxweynaha kmg ah oo si toos ah u soo xulanaya golohiisa xukuumadda, kuwaas oo si kmg ah u socodsiinaya howlaha dowladda, iyaga oo ka gabsanaya heshiisyo ay galaan iyo sharciyo ay meelmariyaan ama hawlo gelin karta shacabka shaki oo ka baxsan waxyaabaha ay u idman yihiin. Waxaa lagama maarmaan u ah xiliga kalaguurka waa in la helo maamul dhexdhexaada oo lagu kalsoonaan karo hanaanka ay dalka ugu diyaarinayaan doorasho iyo iney si nabada ugu wareejiyaan xilka madaxda hogaaminta dalka loo doorto Oktober 2016ka.
Waxaan shaki lahayn iney iswadamaranayaan dowladda hadda jirta oo ah ismahurto aanan sina u kala hareyn oo iswadaraacaya si isdabajoogtana ay bixidoodu u kala hormareyso. Haddii aysan dhaceyn doorasho guud 2016ka, waxaan la hureyn xukuumad si kmg ah loo soo doorto 2016ka oo la siiyo laba sanno iyo baarlamaanka oo la soo doorto isna inuu jiro laba sanno. Sidaasna waxaa ku soo dhamaanaya xili saddex sanno ah oo shacabka ay la soo deristey hogaanxumo ka liidata kelitalisnimo. Iscasilaada madaxda sare ee dowlada waxey sidoo kale horseedi kartaa burbur xoogan oo ku yimaada isbaheysiyada siyaasadeed ee ku midoobey mucaaradnimada ay kaga soo horjeedaan hogaanxumada ka jirta madaxtooyada. Waxaa sidoo kale suurtogal ah in bulshada caalamku ay ergooyinkooda wax ka bedesho si ay isaga caabiso eedeymo uga yimaada deeq bixiyeyaasha. Isbedelka siyaasadeed wuxuu qasbayaa oo kale in ciidamada Itoobiya iyo Kenya laga saaro AMISOM si looga adkaado ama ay u soo afjaranto taageerada ay shacabka ka heleyaan xoogaga mitidiinta oo ah mucaarad hubeysan.
Xisbiga Dadka wuxuu soo dhaweynayaa xil ka qaadista lagu sameynayo hogaamiyaha Soomaaliya, wuxuuse uga digayaa xildhibaanada ineysan ku kadsoomin kartixumada gudoomiyahooda oo u muuqda kalaguurka inuusan ka soo kici karin. Wuxuu talo ahaan soo jeedinayaa xisbigu in doorashada madaxweynenimada iyo tan xildhibaanada lagu saleeyo tartan ay kuraasta ugu loolamaan xisbiyo siyaasadeed oo kooban oo aan ka badneyn saddex xisbi oo heer qarana. waxaa haboon in mudnaanta la siiyo baarlamaanka cusub inuu qabto tartanka madaxweynenimada oo ciddii daneyneysa ay u tartanto,baarlamaankuna uu doorasho uga soo dhex xulo labada qofood ee ugu codka sareysa, labadaas qofna la siiyo fursad saddex bilood ah oo ay ku sameeyaan olole ay dadka ugu soo bandhigayaan siyaasadahoodu dhanka ay u jeedaan iyo hogaamintoodu waxa ay ka qabaneyso dhibaatooyinka haysta dowladnimada ummadda Soomaaliyeed. Qaabka ay doorashadu u dhaceysana ay raacdo nidaamkii lagu soo doortay xildhibaanada oo ah tiro badan oo kala metelaya qeybaha kala duwan ee bulshada, laakiin markaan dhamaantood la isugu geeyo hal meel iyo hal magaalo oo amaankeeda xoog loo sugo. Ma aaminsanin in bulshada caalamka oo ay horkaceyso UNka ay wax maslaxada u hayso shacabka Soomaaliyeed, waxaana hadda la soo gaarey wakhtigii ay Soomaalidu aayaheeda u tashan lahyd.
.
_______________________
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
saciidciise258@aol.com
Maine, United States
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________