Muqdisho, 29 August 2015: Dadweynaha ku nool Magaalada Marka, ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay Maanta Dibadbax xoogan ka sameeyeen Gudaha Magaaladaasi.
Boqolaalka Dibadbaxa ayaa waxay ka soo horjeedeen Maamulka Cusub uu Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan uu Maanta Magaalada Marka geeyay. Shariif Xasan iyo wafdiga la socday ayaa waxa ay la kulmeen carada shacabka Marka degan, xilli ay Magaalada ka dhacayeen dulmi xanuun badan oo dil, dhac iyo kufsi oo ciidamada AMISOM ay ka geesanayeen bilooyinki dambe.
Shacabka Reer Marka ayaa ku eedeeyay Sharif Xasan, inuusan waxba u qaban, kana hadlin xasuuqi ay dhawaan AMISOM u geeysatay shacabka aan hubaysanayn oo weligii nabad gelyada ku noola inti ka horreysay Maamulka Shariif Xasan.
_____________________
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________