Toronto | QOL | 29 jul 2015 | Wadamada horumaray oo ay u dhisan yihiin hay’ado qaran oo dhidibo adag ku taagan islamarkaana leh nidaam ay ku soo saaraan shuruuc iyo awood ay ku fuliyaan habka doorasho u dhacdo, waxay howshaas bilaabaan waqti aad uga horeeya xilliga uu qofka muwaadinka ah uu si xor ah codkiisa u dhiiban doono, iyagoo si taxadar leh u diyaariya barnaamijka ay hoowshaas ku fulin doonaan, islamarkaana ay xog ogaal u yihiin shacabka ay howshaasi u qaban doonaan. Inta aan la gaarin doorasho in laga hadlo waxaa muhiim ah in ay diyaar yihiin qodobabada ay ka mid yihiin nooca doorasho ee loo baahan yahay in uu mas’uul xil ku qaado, hadaba waxaa is weeydiin leh waa maxay doorasho ?
Doorasho, waxaa lagu macneeyaa fikir shacabku ay ku soo bandhigaan kala xulasho sharci loo hogaansan yahay lagu maamulo, taasoo noqon karta doorasho hogaan(Ellection) ama ogolaansho/diidmo sharci ama dastuur wadan u yaala(Referendum), taasoo lagu nidaamiyo habab la aqoonsan yahay laguna kala bixiyo codadka shacabku dhiibtaan, hababkaas oo ay kuwooda ugu caansan yihiin:-
- Borda Count ama Single Winner, waa habka caanka ah uu soo bandhigay nin xisaabyahan Faransiis ahaa lana oran jiray Jean Charles De-Borda, kuna yimaada dood dheer oo rag iyo dumar musharixiin ah dhexmarta kedib, musharax ku guuleeysto codadka degaamo(Constituency) la isku daro boqolkiiba inta ugu badan musharaxa hela, iyadoo la sheego tirada codadka la dhiibtay oo lagu cabiray habka boqoleeyda (Tusaale Musharax A= 62%, Musharax B = 38% ).
- Instant-runoff or preferential voting, waa nidaamka doorasho oo ay ku tartamaan musharixiin badan, iyadoo looga baahan yahay inuu musharuxu helaa cod ka badan 50% si uu u guuleeysto, laakiin hadii aysan dhicin in wareega hore la helo ruux hela codkaa, waxaa loo gudbaa wareeg cusub, iyadoo laga saaro wareega labaad musharixiinta codadka yaryar hela kedibna halkaa ay doorashadu qaabkaa ku sii socoto ilaa laga helo musharax ku guuleeysta codka aqlabiyadda, waxaa nidaamkaan u isticmaala doorashada guud wadanka Australia, iyadoo wadamo badana ay u isticmaalaan doorashooyinkooda Gobollada ama magaalooyinkoodaba sida Canada(Alberta).
- Proxy voting, waa hab u dhaca in koox ama shaqsi uu mas’uul ka noqdo bulsho ama dad la cayimay tiradooda( Tusaale halkii cod ee uu shaqsigan(Proxy) dhiibto wuxuu la mid yahay 2 milyan oo cod), kedibna kooxdaas ama shaqsiyaadkaas ay codkooda ku kala saaraan musharaxiinta, waa hab aad u muran badan oo badanaa lagu qancin xulashadooda, waxaana tusaale fudud kuugu filan habka barlamaanka Soomaliya ee hadda jira lagu soo xulay iyo habka ay Madaxweynaha u xushaan oo ah hab aysan bulshadu kuwada qanacsaneeyn.
Hadaba hadaanu fiirino juhdiga ay u baahan tahay doorasho in la geliyo lana eego xaalka Soomaaliya iyo maamulka maanta jira howshaas wax ma uga bilaaban tahay?
Jawaabtu waxay tahay maya, sababtoo ah qaab dhismeedka dadka Soomaaliyeed oo ah mid aan u bisleyn nidaam doorasho iyadoo ay ugu wacan tahay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:-
- Qodobka ugu horeeya ee doorasho wadan uga dhacdaa waa in la ogyahay tirada guud ee wadankaasi yahay iyo tirada codeeyn karta ama buuxin karta shuruudda codeeynta, hadaba dadka Soomaliyeed oo qiyaastii ugu danbeeysay lagu sheegay (12.316.895 Qof) ahna inta wadanka ku sugan imisa ayaa ka codeyn karta, hadii xitaa la iska daayo tiro 2milyan ka badan oo wadanka dibadiisa ku nool xaqna u leh in ay aayaha wadankooda go’aankiisa wax ku darsadaan.
- Arinka kale ee muhiimka ah wuxuu yahay iyadoo aanan doorasho guud lagu qaban Karin Dastuur ku meel gaar ah, oo loo baahan yahay Dastuur dhameystiran cod dadweeynana loo qaado isla markaana ay ku qeexan yihiin dhamaan qodobada doorasho, xadididda tirada codadka loo baahan yahay inuu Xildhibaanka federalka helo, hab dhaqameedka iyo nidaam sharciyeedka wadanka oo qayaxan mugdina aanu ku jirin.
- Waxaa kaloo aan marnaba suurta gal ahayn in la qabto doorasho iyadoo aysan dhisneyn hay’adda Garsoorka Qaranka iyo xubneheeda oo uu dastuur sharci dhismeedkoodu qeexay ummadduna ansixisay ku dhisan.
- Dhibka ugu weyn oo ka imaanaya dadka Soomaaliyeed oo qabaa’il u kala gogo’an islamarkaana qola walba ay sheegato tiro ay iyagu sameeysteen , ujeedada ka danbeeysana tahay in qabiil walbaa isku sheego inuu isagu ka badan yahay qabiilka kale, hadaan tusaale u soo qaadano Somaliland waxay isku sheegtay sanadkii 2010 in tirada dadkeedu yahay(6.500.000 Qof) ahna tira le’eg kala bar tirada guud ee lagu sheegay 2014 dadka Soomaalida oo dhan, sidaa si le’eg ayay qabaa’il goboleedyaduna aaminsan yihiin, taasoo ay mushkilad weyn ka imaan doonto go’aaminta doorashooyinka Xildhibaanadda Federalka iyo tan Madaxweeynahaba iyadoo uu muran aan lagu heshiin doonin ka dhalan doono habka loo qeeybsan doono iyo sida arimahaas la isu waafajin doono.
- Dhismaha Maamul Goboleedyo iyo degaamooyin ansax ah oo la isku waafaqsan yahay, kuna habeysan qaab cadaalad ku dhisan.
Dalka Soomaaliya oo burburka ka hor dowladii ka jirtay ahaa 18 Gobol, degaamo badana ay sameeysteen maamulo abuurteena Gobollo iyo Degmooyin waxa maanta uu ka kooban yahay 31 Gobol, iyadoo qiyaastii ay sameeysay hay’ada cuntada(FAO) ee qaramada midoobay sanadkii 2012 ay ku qiyaastay tirada degaamada waaweeyn ee gobolada Soomaaliya ay ku nool yihiin dad ka badan 8 Milyan oo Soomaali ah, halka degmooyinka kale iyo tuulooyinka wadanka guud ahaana ay ku dhaqan yihiin dad 5 Milyan ka badan.
Qiyaasta shaxdan ku qoran waa tirada dadka Soomaalida oo ay wasaaradda qorsheeynta qaranku soo saartay sanadkan 2015)
Qodobadaas aan kor ku soo xusay oo ah saldhigga doorasho qaran ku iman karto iyo hab degaameedka dadka Soomaaliyeed ee shaxdaan qiyaasta ah ka muuqda hadii aan barbardhigno awooda maamulka maanta jira iyo shacabka soomaliyeed, waxaa kuu soo baxaya in aanu midkoodna diyaar u ahayn kana suurto geli karin wax doorasho u qaab eg.
Iyadoo waqtigii ugu badanaa ee maamulka Soomaaliya uu galay siyaasadda Villa Somaliya oo ay sababtay isqabqabsi madaxda sare iyo xildhibaanada baarlamaanka, Dastuurkii ku meelgaarka ahaa oo aanan weli la dhameystirin, waxaa kale oo iyana jirta dhisme maamul goboleedyo dadweeynuhu aysan raali ka aheyn oo dusha looga keenay xilligii ay dowladani jirtay iyo kuwo kale uu dhisme ku socdo oo ay Dowladu faraha kula jirto oo ay muuqanayso in ay kaalin ka qaadaneyso nabad gelya xumada ka jirta meelo badan oo ka mid ah maamuladaas iyo caasimadda Muqdisho.
Gabagabadii xaalka doorashada lagu balansan yahay waxa uu u muuqdaa mid loogu gogol xaaranayo in waqti kordhin baarlamaanka iyo maamulka sare ee wadanka, iyadoo ay ku doodi doonaan in waqtigu ku yar yahay ayna doonayaan in waqti la siiyo ay ku dhameystirayaan howl aanan weligeed ka dhamaan doonin Soomaaliya ahna tan ay gacan shisheeye ka danbeeyso oo ah in aan dadka Soomaaliyeed weligood madaxa kor u qaadin.
By Mustafa Salad Awale
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________