Toronto | QOL | Aug 7, 2015 | Xaflad casho sharaf ah oo lagu soo dhoweeynayay gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana dhacday magaalada Toronto ayaa gudoomiyuhu wuxuu warbixin ka siiyay marti sharaftii ka soo qeeyb gashay xaalka Soomaaliya ee maanta.
Waxaa jira su’aalo ay Soomaalidu badanaa isweeydiiyaan kuna saabsan sababaha baarlamaanka soomaalidu u buuxin la’yahay badanaa fadhiyada baarlamaanka, iyadoo ay noqotay dhaliilaha ugu waaweeyn oo ay dadka Soomaaliyeed isweeydiiyaan, hadaba kulankii gudoomiyaha baarlamaanka Mr Jawaari waxaa dadkii halkaa isugu yimid ay waydiiyeen su’aalahaa mugdiga badani ku jiro iyo qaab shaqeedka baarlamaanka, mar uu ka jawaabayay xilshibaan Jawaari arinkaana wuxuu u fasiray in dadku ay shaqada baarlamaanka u yaqaanaan fadhiga hoolka baarlamaanka in lagu qabto oo keliya
Xildhibaanadana ay fadhiyaan hoolkaa si ay shaqada u qabtaan, taasoo dad badani is weeydiiyaan maqnaashaha xildhibaanada ee fadhiyada baarlamaanka, hase yeeshee prof. Jawaari wuxuu ku fasiray taa inaysan shaqada xildhibaanku ahayn oo keliya inuu soo xaadiro fadhiga, waayo buu yiri baarlamaanku wuxuu leeyahay 15 gudi oo mid waliba uu shaqo gaara qaabilsan yahay, xildhibaanadaas oo iyagoo aanan ka muuqan fadhiga hoolka baarlamaanka ay hadana shaqo hayaan iyagoo fadhiyo xasaasi ah ku jira, xildhibaanadaas oo ka badan kuwa fadhiga hoolka golaha baarlamaanka fadhiya.
Waxaa kale uu sheegay in qaladaad badan uu leeyahay dastuurkaan kaasoo ah in dastuurka qodob ka mid ah uu qorayo in xildhibaanku uu xaq u leeyahay inuu ka maqnaan karo laba kalfadhi(Session) oo ka mid ah kalfadhiyada baarlamaanka sanadkii.
Iyadoo uu baarlamaanku leeyahay sadex kalfadhi sanadkii halkii kalfadhina uu yahay 4 bilood, sidaa darteedna uu xildhibaanku markii la isku daro laba kalfadhi iyo fasaxyada kalfadhiga 3xaad ku jira uu xildhibaanku ka maqnaan karo ku dhowaad sanad baarlaamka, waana qalad qodobada dastuurka ku qoran ah, mana ku ciqaabi karo xildhibaan maqnaashihiisa mar hadii uu sharciga inta uu u fasaxayo uu isticmaalaayo ayuu yiri Mr Jawaari.
Tan kale ee caqabadaha baarlamaanka fadhiyadiisa ka mid ah waxa uu ku sheegay in xildhibaanadu ay siyaasadeeyaan fadhiyada baarlamaanka, oo laga yaabo in haduu xildhibaanku is leeyahay dooda socota mid aanay dani ugu jirin ama uu ka soo horjeedo isku dayo inuusan soo xaadirin ama uu banaanka u baxo markii la gaaro in la codeeyo taasoo iyana keenta in aanu kooramku buuxsamin marar badan , mararka qaarkoodna hal Motion ama sharci ay nagu qaadato bilo in loo codeeyo.
Prof Jawaari oo la weeydiiyay sababta uu baarlamaanka Soomaaliya iyo isaga gaar ahaan u aqoonsaday maamulka Galmudug, kuna diiday kan Jubbaland wuxuu ku fasiray in maamul goboleedka Galmudug uu maray nidaamka dastuurku qorayo ee kala horeeya oo uu nidaamkaasi ku dhismay sida kan uu kursiga ku fadhiyo ee nidaamka federaalka lagu soo xulay xildhibaannada kana soo tolmay gunta ilaa iyo dusha sare, waxaana aan u aqoonsaday ayuu yiri inuu meeshaas ka dhashay nidaam, kama fiirinayi inuu gobol yahay ama gobol iyo bar waxaan ka fiiriyay oo keliya ayuu yiri sida uu u dhismay, xitaa degmo ama hal gobol ayaa sidaa maamul u sameeysan kara ayuu yiri, isagoo raaciyay in saxiixayaasha dastuurkaan ay ka mid tahay Galmudug iyo Ahlusunna oo ahaa maamullo ka dhisnaa degmo barkeed ama degaan yar oo reer kaliya degaan kan yaraa kan hadda Galmudug laga dhisay.
Mar uu ka jawaabayay sababta uu u soo farageliyay baarlamaanku kalsoonidana kala noqday maamulka Jubbaland, Prof Jawaari wuxuu sheegay in Jubbaland ay ka duwan tahay maamullada Soomaaliya ka dhisan, waxayna ku dhisantay heshiis Ethiopia lagu saxiixay oo hogaamiye ku meelgaar ah loogu doortay Axmed Madoobe iyadoo uusan baarlamaan jirin, waxaana heshiiskaa Ethiopia ku qoran in baarlamaanka federaalku ay iyagu ansixin karaan ama diidi karaan hadii doodi ka timaado habka nidaamka baarlamaanka Jubbaland loo dhisayo, baarlamaanka federaalka ayaana mas’uuliyadaas lagu saaray heshiiskaas Ethiopia ayuu yiri Mr Jawaari, isagoo farta ku goday in markii ay noo muuqatay in muran xoogani ka jiro dhismaha baarlamaankaas ay dood geliyeen baarlamaanka federalka kedibna sidaa lagu diiday baarlamaankaas.
Gudoomiye Jawaari oo ah nin ruug cadaa siyaadeed ah, kuna soo jiray siyaasadda Soomaaliya waqti dheer ahna nin garyaqaan ah xilal waaweeyna ka soo qabtay dowladihii dhexe ee Soomaaliya soo maray wuxuu sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal uu weeydiiyay shaqsi sheegay in DIASPORA-da looga baahan yahay inay gacan ka geeystaan dib udhiska Soomaaliya wuxuu yiri Xildhibaan Jawaari:
Waxaan idinka baryayaa inaadan isticmaalina ereryga DIASPORA waayo ererygaasi waa erey luqadda Hebro-ga ah oo ay ku hadlaan dadka yuhuuda ah waxaana isticmaalay markii ugu horeeysay qoowmkii nebi Muuse, markii fircoon la halaagay, kedina uu Nebi Muuse qoowmkiisi uu ka tegay dib ugu soo laabtay ayuu aad uga xumaaday sideey u duloobeen markaa ayay iyagoo sababeeynaya xaaladooda isticmaaleen ereygaa oo ay isku sheegeen inay yihiin dad dhulkoodii ka soo tegay oo ah Diaspora rajo beelna ah noloshiina ka dhacay dantuna ay ku kaliftay inay seegseeg noqdaan, wuxuuna yiri fadlan ma tihiin DIASPORA ee waxaad isticmaashaan ereryga QURBAJOOGTA.
By Mustafa Salad Awale
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________