8820 Views

Xalka Soomaaliya ! “Madax duub yaqaan ayaa la duubaa” !

Xalka Soomaaliya ! “Madax duub yaqaan ayaa la duubaa” !
____________________________________________________________________________

Ninaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin !

Toronto | QOL | June 20, 2015 – Ereryga dastuur waxa uu ka soo jeedaa luqadda Faarsiga, waana qawaaniin, heshiisyo, cadeeymo, tilmaamo iyo shuruuc si huffan u qeexan oo uu wadan ku maamulo dadka ku nool, iyadoo hadii ay baarlamaanka wadankaasi leeyahay ansixiyo qoraalkaas noqda sharciga saldhigga u ah ee kala haga ummadaas, ama ha ahaado wadan dowlad dhexe keliya ay maamusho ama mid federal ahba.

gaasDastuurkii ugu horeeyay oo ku meelgaar ah soomaaliya waxay yeelatay 1 Luulyo 1960 waxaana lagu dhaqmayay ilaa afti shacabka Soomaaliyeed laga qaaday 24 juunyo 1961, maxkamadii sarena ay 4tii bishii Luulyo 1961 ka baaraan degid dheer kedib ku ansixisay dastuurkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ay yeelato kaasoo lagu dhaqmayay labadii maamul ee 1960ki uu hogaaminayay Marxuum Adan Cadde iyo kii xigay ee 10kii july 1967 hogaanka qabtay ee C/Rashiid Cali Sharma’arke, dastuurkaasina wuxuu ahaa sharciga wadanka u degsanaa   ilaa 21 Oktober 1969, wuxuuna ka koobnaa 105 qodob.

Habkii ay u dhacday Aftidii Dastuurka keliya ay Soomaaliya yeelato xornimadii kedib shacabkuna u codeeyaan (4 July 1961).

Gobolada Dalka
X/T Gob. Banaadir Goob cod bixin Haa Maya
1 Muqdisho 155 26,804 15,217
2 Marka 151 87,443 10,601
3 Baraawe 132 70,911 1,599
4 Afgooye 134 77,627 895
5 Walla- wayn 130 68,994 0
6 Jawhar 140 83,414 4,234
7 Balcad 131 38,461 12,553
8 Aadan Yabaal 136 68,354 3,684
X/T G/Jubada Hoose Goob cod bixin Haa Maya
1 Kismayo 130 40,302 4,640
 2 Jammaame 134 60,975 2,692
 3 Afmado 120 34,469 1,442
 4 Jilib 155 26,804 15,217
X/T Gobolka J/sare Goob cod bixin Haa Maya
 1 Baydhabo 150 114,441 213
 2 Buur Hakabo 141 87,351 97
 3 Luuq 132 70,105 543
 4 Xuddur 131 65,883 124
 5 Diinsoor 127 60,147 369
 6 Baardheere 129 53,831 1,156
X/T Gobolka Hiiraan Goob cod bixin Haa Maya
 1 Beled Wayne 134 6,930 9,359
 2 Buula Burde 137 7,366 14,194
X/T Gobolka Mudug Goob cod bixin Haa Maya
1 Gaalkacyo 130 43,476 9,658
2 Dhuuso mareeb 126 23,098 2,589
3 Ceel buur 131 52,598 3,589
4 Hobyo 126 29,716 2,519
X/T G Bari Goob cod bixin Haa Maya
 1 Boosaaso 120 29, 169 12,308
 2 Qandala 120 42, 035 1,924
 3 Caluula 124 54,641 44
 4 Iskushuban 130 63,298 4,484
 5 Qardho 135 78,190 2,198
 6 Eyl/Garowe 140 78, 876 4,977
X/T Gobolka W/galbeed Goob cod-bixin  Haa  Maya
 1 Hargaysa 143 10,449 27,087
 2 Berbera 117 2,220 5,231
 3 Borame 125 14,380 522
 X/T Golbolka W/bari Goob cod-bixin  Haa   Maya
 1 Burco 126 6,427 12,898
 2 Laas caanood 118 12,090 2,553
 3 Ceeri-gaabo 123 3,950 6,019

Natiijooyinka guud.

X/T Haa Maya
1,724,073 182,550

Maxkammadii sare kedib markay xaqiijisay go’aamada xafiiska dhexe ee Afti-qaadista kuna saabsan cabashooyinka ay qaar u soo jeeediyeen xafiisyada Degmooyinka Marka, Afgooye, Beledwayne, Dhusa-marreeb iyo Ceel-Buur, qaadacdayna cabashooyinka ay sida tooska ah u soo gudbiyeen xisbiyada kala ah G. L.S, S.N.L. iyo U.S.P, waxay shaacisay in tirada kama danbeeynta ah ee aftidii dastuurka ay tahay sidan:-

Inta wax dooratay                                           1,948,348

Inta oggolaatay Dastuurka                        1,756,216

Inta diiday Dastuurka                                     183,000

Xaashiyaha xummaday                                       9,132

Tobankii sanno ee xigtay wadanka Soomaaliya wuxuu gacanta ugu jiray xukuumad Mileteri ah oo aanan u baahneyn wax dastuur ah, awoodna ku muquunin jiray sharciga ay u baahdaan inay fuliyaan.

Sanadkii 1979 waxaa bilawday in dadweeynihii Soomaaliyeed dareemeen in xukunkii keligii taliska ahaa ku dheeraaday, taageeradii dadweeynaha ee kacaankuna sii yaraato islamarkaana awoodii kacaanku wiiqmato, sidaa daraadeed waxay isku dayeen inay dhiig cusub ku shubaan dadka Soomaaliyeed, magacana bedeshaan isuna ekeeyaan dowlad shacab ah waxay bilaabeen inay qoraan dastuur hantiwadaag ah oo ka koobnaa 113 qodob.

Hadaad fiirisid dastuurkaa hantiwadaaga ahaa ee la qoray 1979 kuma qorna inta gobol ama degmo ee uu wadanku leeyahay, laakiin isla sharci madaxweeyne oo soo baxay xilligaa bishii Agoosto 1979 ayaa wadanka khariidadiisii 8-da gobol ahayd lagu daray sideed gobol oo kale lagana dhigay 16 gobol, iyadoo muddo yar kedibna lagu daray laba gobol halkaana uu wadankii ahaa 8 gobol ku noqday 18 gobol, iyadoo danta uu maamulkaa ka lahaa ahayd inuu beelo ama taageero ku soo jiito.

Bishii Agoosto 2000 waxaa magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu ansixiyay wax ay ugu yeereen Axdi Qarameedka ku meel gaarka ah oo ka koobnaa 38 qodob, oo ay ansixiyeen ergo ku kulantay magaalada Carta oo ay ka maqnaayeen dhamaan dagaal oogayaashii markaa wadanka ka talin jiray, axdigaas ku meel gaarka ah wuxuu ahaa mid aan suurta gal ahayn waagaa, maadaama uu wadanku dagaal sokeeye ku jiray.

Magaalada Eldoret ee dalka Kenya ayaa sanadkii 2004 lagu qabtay shir dib u heshiisiin iyadoo lagu dhisay datruurkii ugu horeeyay ee dowlad federal ah, dastuurkaas oo ahaa ku meelgaar lagana soo qaatay qeeybo badan oo ka mid ah dastuuradii lixdanaadki iyo kii Carta wuxuu koobnaa 71 qodob.

Dastuurkaan Federaalka ku meelgaarka ah waxaa lagu lifaaqay lifaaq u qoran sidan “Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960 iyo sharciyadii kale waa loo isticmaali karaa arrimaha aan lagu xusin Axdigan haddii ayan ka horimaanaynin Axdigaan”, taasoo ka dhigeeysa dastuurkaa inuu ahaa qabyo qoraal ee uusan shaeyn mid dhameeystiran.

Farsamayaqaano sharciyeed oo loogu magac daray Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 12kii Juunyo 2012 waxay soo saareen dastuur ka kooban 143 qodob oo ku meel gaar ah kaasoo ah kan maanta wadanka u yaala, buuqa badanina ka taagan yahay.

Soomaaliya oo ah wadan xornimadii kedib dowlad dhexe ay hogaanka u heeysay markii uu wadanku burbur dagaal sokeeyana galay lana kala guuray waxaa ay qolo waliba isku tilmaamtay inay dowlad goboleed tahay, waxay dhamaan gobolladaasi sameeysteen dastuuro iyaga ay qorteen kuna saleeyeen baahida iyo ficiltanka qolada kale, waxay sameeysteen hab ay maamul ku dhistaan.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gar eexo, gacan laabban iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo” intaan loo gudbin qoladii kale ay iska giijinayeen ayay marka hore iyaga is buurteen isuna faan iyo awood sheegteen iyagoo nidaam beeleedyo iyo sida loo kala badan yahay ama dhaqankii hore ee Soomalidu laheyd ee ahaa anaa kaa geel badnaa ama kaa gabay badnaa, adinku weligiin gar ma gooyn iyo kuwaasi kurtumo ayay ahaayeen iyo anaa laanta guudka uga yaala, anagaa ka geed har weyn iyo maxaad ahaan jirteen, weligiin geel ma dhacdeen, anaa caanaha keena iyo adigu ma geeysid, ereyadadaas iyo ereyo la mid ah oo dhamaan maamul golbeleedyada maanta ka taagan.

Hadaba qormadaan waxaan ku faaqidayaa qaab dhismeedyada labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland, hadaan ku bilaabo dowlad goboleedka ugu da’da weeyn sadexda maamul ee maanta dhisan;-

pland+jlandMaamul Goboleedka Puntland, waa maamul goboleed dhismay ka hor intaan dastuurkaan ku meel gaarka ah la qorin, islamarkaana muranka badan ee sida gobolladu ku noqon karaan maamul goboleed isaga lagu saleeyay fikirkuna iyaga ka yimid mar hadaanu waagaa jirin maamul kale oo dhisnaa, iyadoo maamul goboleedka Puntland uu salkiisu yahay gobolkii la oran jiray Bari ee xilligii kacaanka loo kala baray 2bada gobol ee Bari iyo Nugaal, iyadoo ay sheegtaan maamulkaasi inay ka arimiyaan gobollada Sanaag, Sool iyo Mudug, laakiin xaqiiqadu tahay inaaneey dhulalkaas awood ama talo sidaa u sii weyn ku lahayn, maadaama ay ka kala tirsan yihiin maamulo kale ama ay degan yihiin dad aan ku beelo ahayn qabaa’ilka dega Bari iyo Nugaal, laakiin waxa maamulka Puntland si xaqiiq ah xukunkiisa u hoos taga dhamaan degmooyinka, tuulooyinka labada gobol ee Bari iyo Nugaal, sababta keeneeysa in maamulka Puntland uu labadaa gobol ka talin karaa waxay tahay in ay yihiin dad hal beel ku abtirsada haba is kala xigaane, laakiin ka mideeysan dhanka siyaasada iyo danta beesha labada gobol ee ku wajahan Soomaalida kale, laakiin su’aashu waxay tahay iyaga dhexdooda ma isku qanacsan yihiin habka 4.5 ay maamul goboleedkooda u qeeybsadeen, su’aashu waa maya, waxaadna ka garan kartaa habka ay u dhisan yahiin sadexda hay’adood ee maamulka Puntland.

Maamul Goboleedka Puntland waxaa hogaanka u soo qabtay 5 hogaamiye, allaah u naxariistee Madaxweyne C/laahi Yusuf ayaa isagoo madaxweynaha Puntland ah ku guuleeystay xilka madaxtinimada Soomaaliya, taasoo siisay fursadda keliya nin aan ku abttirsan beelaha Bari iyo Nugaal, Maxamed Cabdi Xaashi oo dhameeyay xilkii uu baneeyay Marxuum C/laahi Yusuf ayaa muddo gaaban kedib doorasho u dhcaday habka loo yaqaano ‘Madax duub yaqaan ayaa la duubaa” uu kaga guuleeystay General Cadde Muuse, hase yeeshee intii  xigtay  C/raxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas waxay ahaayeen rag ka soo wada jeedaan beesha dhexe ee maamulka puntland.

Baarlamaanka puntland wuxuu ka kooban yahay 66 xildhibaan oo ka kala yimaada beelaha ku abtirsada Bari, Nugaal, Sanaag bari, Sool iyo waqooyiga Mudug, xildhibaanadaasi waxay kala bar ku abtirsadaan beelaha dega Bari iyo Nugaal, iyadoo islamarkaana ay jiraan beelo aan xildhibaano ku laheyn maamulkaa degaana ku leh dhulkaa ay ka taliso Puntland.

Maamulka Puntlad waxa kale uu leeyahay xukuumad aad u balaaran sida tan federaalka Soomaaliya, laakiin aan ku saleeysneyn 4.5, kana kooban 18 wasiir oo sagaal ka mid ah ay ka soo jeedaan hal beel.

Waxaa kale oo ay bahweeynta Puntland leeyihiin sharci aanan qorneyn laakiin ka dhaqan galay kaasoo qalinka ku duugaya shuruud la’aan in Madaxweynuhu ka yimaadaa Bari ama Nugaal dadka u abtirsada, Gudoomiyaha baarlamaankuna uu Sanaag bari noqdaa, halka Madaxweyne ku xigeenku uu u xiran yahay reerka dega gobolka Sool.

Kuma dhaliilayo kumana faaninayo mar hadii aanay qeeylo badan ka soo yeereeynin dadka Soomaaliyeed ee dega dhulkaas, laakiin markaan wareeystay dad degaankaas ka soo jeeda waxaa kuu muuqanaya inay ka jirto caadadii qadiimiga ahayd iyo xaqiraadii Soomaali lagu yaqaanay kuna dhisnayd in la isku ixtiraamo la iskuna ogolaado mudnaana la isku siiyo, shaqsi beri hore xil qaaday reerkuu ka dhashay inaad dhalyo wadaag yihiin.

Hadii aadan sifahaas laheyna aqoon, xilkasnimo, waayaragnimo ama muwaadin kastoo aad tahay aadan haweeysan Karin, hadii aad isku daydaana lagugu maadeeysto, waayo bulshada Soomaaliyeed waxay isku kala xirtay sanaadiiq iyadoo sanduuq kasta qolada ku jirtaa ay wada wadaagaan tilmaamta, kartida, aqoonta iyo wax walba, iyadoo aanad u baahneyn inaad ogaatid shaqsiga waxa keliya oo aad u baahan tahay ay tahay magaca uu wato sanduuqa uu ku jiro.

Waana dhibaatada ugu weyn ee wadanka Soomaaliya heeysata, waayo dadku hadaaneey ku qanacsaneyn maamul ka jira degmo, gobol ama qaranba maamulkaasi si buu u dhutinayaa waana boogta aan bogsaneyn oo maanta nagu taala.

Maamul goboleedka Jubbaland oo ah maamulkii si kastaba aan u niraahnee ku xigay maamulka Puntland,waa maamul ku dhismay qas iyo buuq, markii ay doowladii hore bur burtay 1991, Kismaayo waxaa sida magaalooyinka kale ee carriga Soomaaliya ay ku dhacday gacan cidlo ah, waxaa ku kor dagaalamay qabaa’ilo iyo hogaamiyo kooxeedyo kala duwan, labada dhinac ee sida weyn ugu dagaalamay waxay ahaayeen Korneyl Axmed Cumar Jees, oo katirsanaa isbahaysigii SNA iyo Xulufo uu horsed ka ahaa Jen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan.

Horaantii Sanadkii 1993-dii Kismaayo waxay halis u noqotay bur burka shirkii dib u heshiisiinta ee kooxaha Soomaalida uga socday magaalada Addis Ababa, ee dalka Ethiopia, kadib markii taageerayaasha Jen Morgan ay soo galeen magaalada ayna ka saaareen kuwii Korneyl Cumar Jees.

Hogaamiyihii SNA Jen. Maxamed Faarax Caydiid ayaa ku hanjabay inuu shirka kabaxayo hadii aanay ciidamada Gen Morgan ka bixin magaalada Kismaayo.

Ciidamadii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNISOM, oo ay Ciidankooda gacanta ku hayeen howlgalka Soomaaliya ayaa soo galay magaalada Kismaayo kana mamnuucay inay soo galaan ciidamada hagaamiyayaasha Jen. Morgan Iyo Cumar Jees magaalada Kismaayo.

UNISOM, waxay dadaal weyn u gashay ineey maamul u samayso Magaalada Kismaayo iyo gobolka Jubada Hoose, waxay magaalooyinka Kismayo iyo Nairobi ku qabatay shirar kala duwan, ugu danbeyna waxaa sanadkii 1994 ku guuleysteen ineey isku keenaan 19 beelood oo daga gobolkaasi, kuwaasoo heshiis ku saxiixay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, heshiiskaasi maraagin, sababtoo ah sanadkii xigay 1995 waxaa Soomaaliya isaga soo baxay UNISOM, magaalada Kismaayana waxaa dib ula wareehay Ciidamadii jen. Morgan.

Sanadkii 1999, magaalada Kismaayo waxaa qabsaday isbahaysi cusub oo lagu magacaabo “Isbahaysiga Dooxada Jubba” oo uu hogaminayay Korneyl Bare Aadan Shirre “Barre Hiiraale”, kuwaasoo magaalada ka talinayay ilaa iyo inta ay soo baxayeen isbahaysigii maxkamada Islaamiga oo magaalada qabsaday Sebtember 2006.

Maxkamadaha ayaa iyagana magalada waxaa ka saaray Ciidamadii Ethiopia ee taageerayay kuwa doowlada Soomaaliya, bishii January 2007.

Sanadkii xigay ee 2008, gaar ahaan bishii Sebtember magaalada waxaa qabsaday ururka Al-shabaab, sanadkadibna waxaa magaalada ku kor dagaalamay Al-shabaab iyo ururuka Xisbul-islaam, waxaana bishii December ee 2009-ka magaalada laga saaray ururkii Xisbul-islaam, oo uu hogaaminayay Axmed Madoowe, iyadoo ay gacanta u gashay magaalada Kismaayo ururuka Al-Shabaab.

Bishii Oktobar ee sanadkii 2010 waxaa magaalada Kismaayo laga saaray Al-Shabaab, waxaana magaalada qabsaday Ciidamada Kenya, Raaskanbooni iyo kuwa doowlada Soomaaliya.

Hadaba qabsashadan ugu danbeysay ee Kismaayo waxaa daba socday qorsho ballaaran oo loogu talagalay xasilinta deegaanada laga qabsaday Al-shabaab.

Sanadkii 2011, ayaa shir kadhacay magaalada Addis Ababa, waxaa qorshahaan kawada hadlay madaxda doowladaha urur Goboledka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto, waxaana lasoo saaray gudi gaar ah oo bisleeya qorshahaan, gaar ahaan qaybtiisa ku saabsan maamul u samaynta Jubooyinka.

Ugu danbeyn qorshahaan waxaa la dardar galiyaya qabsashadii magaalada Kismaayo kadib, waxaana uu dhigayay in ergooyin matala beelaha iyo dhinacyada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ku kulmaan magaalada kismaayo, qorshuhu waxa uu dhigayay in ergooyinkaas ay soo xulaan golo baarlamaan oo kadibna soo doorta madaxweyne uu yeesho maamul Goboleedka Jubba land.

Shirweyne Mudo qaatay oo Xeerbeegtu wax ay ugu yeereen Gogolxaar,Dejinta Shuruucda iyo xeernidaamyada Cadaaladeed iyo Axdiga Dawlada Maamulka Jubaland State lagu hagi doono una Fadhiyeen Gudiga Farsamada,Ergooyinka,Odoyaal-dhaqameedka,Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada Qalinka loogu duugay dastuurka lagu dhaqayo Maamul Goboleedka Jubbaland.

15 May 2013 oo ah maalinta looga dabaaldego dalka Soomaaliya Dhalinyaradii SYL, ayaa ergo muran badan ka taagnaa kana koobneyd 500 ergo ay u dooratay Madaxweynaha Jubaland State Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ,Doorashada Madaxweynaha oo ahayd Gacan-Taag ayaa aysan jirin dad la tartamayay ayuu mudane sheekh axmed madoobe ku Helay Cod Dhan 485, halka dadka degaanka badankiisu ay shirkaa isaga bexeen qaarkalena loo diiday inay magaalada ama shirkaba yimaadaan.

15 April 2015 ayaa waxaa la soo xulay xubno baarlamaan oo ka kooban 75 xildhibaan, kuwaasoo 59 Xildhibaan oo ka mid ah ay ka soo jeedaan hal beel halka 16 xildhibaan oo keliya ay yihiin beelaha kale ee dega gobollada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo.

Maamulka Jubbaland wuxuu kaloo leeyahay golo wasiiro oo ka kooban 10 Wasiir,  lix ka mid ahina ay ka soo jeedaan hal beel.

6 juun 2015 baarlamaanka Soomaaliya ayaa tira ay ku sheegeen inay aqlabiyad tahay ku diiday xubnaha baarlamaanka ee jubbaland kuna tilmaamay inuu dastuurka qilaafsan yahay dhismaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Magac kastaaba ha loogu yeeree Jubbaland waxa uu ka mid yahay tiirarka Soomaaliya xal u raadinteeda lagu bilaabo ee loo yaqaano “Xaq Maahane Waa Xal” ama dhiig joojinta, waa maamul ku dhismay hab aanay raali ka ahayn dadka degaankaas ku nool, iyadoo qola waliba ay xadiis soo daliishato qolada kalena ay ku tiraahdo xadiiskaadu waa daciif, mar hadaanu jirin dastuur la isku wada raacsan yahay shacabkuna cod ku ansaxiyeen ummadana kala haga.

Waxaa ku xigi doonaa qormo faahfaahsan oo aan kaga hadli doono labada Maamul goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug….La soco…

.

By Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment