____________________________________________________________________________
|
Muxuu ka dhaxlay, maxayse ka dhaxleen?
Toronto | QOL | October 21, 2014 | Taariikhda Soomaaliya markaan dib u raacno, xilligi gumeystuhu wadanka ka talinaayay waxay ogaadeen in dadka somalida ah aysan la mid aheyn qowmiyadihii ama dalalkii kale ay gumeysanayeen kuwaasoo ay u fududeeyd iney si dhaqso ah u dhexgalaan iyagoo ka soo maray dhinaca diinta oo ay isaga dhowaayeen, laakiin waqti kuma qaadan iney somalida dhaqankeeda darsaan, taasoo meesha ka bixisay cabsidii ay ka qabeen in somalidu tahay ummad muslin ah, waxay ogaadeen in dadka somalida ah aysan aheyn dad wax wadaagi kara inkastoo ay isku meel ka soo jeedaan isku dhaqan yihiin iskuna af iyo diin yihiin, laakiin uu jiro naceyb iyaga dhexyaala oo qolaba qolada kale ay u qabto colaad aan dhoweyn kuna saleeysan degaan iyo qabiil, waxay bilaabeen ineey qortaan shaqaale guryohooda uga shaqeeya ayna isku dayeen ineey luqadooda baraan kana xushaan rag karaani uga noqda xafiisyadooda.
Dadkaas la shaqeeynaayay waagaas gumeystaha waxaa u suurto gashay ineey eheladooda ka shaqaaleeysiiyaan guryihii iyo xafiisyadii gumeeystaha, taasoo uu gumeeystuhu u sheegay in ay yihiin dadka Soomaalida markaa jirtay ugu aqoonta badan,uuna u isticmaalay gumeystuhu ineey u noqdaan dad warbixta uga keena somalida kale, taasoo u suurto gelisay in gumeeystuhu si nabad gelya ah ku joogo dal iyo dad uusan aqoon u laheyn, waayo wuxuu abuurtay koox aanan haba yaraatee wax dan ah oo ay dalkaan ka leeyhiin aysan jirin, uuna ka tirtiray muwaadinimadi daciifnimada uu ku abuuray aawgeedna aysan xitaa ka fekerin dalkooda iyo dadkooda, ee ka fikira keliya dantooda.
Caruurtooda ayuu waxbarasho siiyay, iyagoo wax la baranaayay caruurtii kale ee gumeeystaha hase yeeshee waxbarashadoodu ay koobneyd, isagoo diidanaa ineey wax ogaadaan,dadku isku fikir maaha waxaa un markaa jiray dad dareemayay arinku sida uu u socdo, waana halka ay ka aasaasmeen dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday gumaystaha, ragga markaa gumeystaha lajirayna waa ragii uu wax baray kana goostay somalida kale, iyagaana u jaajuusi jiray dhaqdhaqaaqyada socda.
Kedib waxaa aasaasmay koox yar oo dhalinyara ah oo kaligood is abaabulay laakiin aan tabar sidaa ah laheyn oo u badnaa dadkii reer banaadiriga ahaa ee magaalada Muqdisho deganaa, laakiin isticmaarku waa uu ka warhelay durbadiiba islamarkaana wuxuu kula taliyay rag isaga gacan saar uu la lahaa ineey kooxahaas ku biiraan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyadooda, kedib waxay sameeysteen nidaam iyo kala danbeyn laakiin aaneey sirtoodu u qarsooneeyn maadaama dhalin yaradii aasaastay ururukii SYL ay ka tira badnaayeen kuwa ku hareereereeysan ee isticmaarka u adeega. Xornimadii kedib waxaa soo ifbaxday in qayaanadaasi jirtay waayo ragga maanta buugaagta lagu qoro ee 13 dhaliyarada ee SYL midkoodna wadanka xil sare kama qaban oo waxaa xukunkii iyo magaciiba qaatay ragii uu isticmaarku watay kuwaa oo Min Mdaxweyne, Baarlamaan iyo wasiiraba noqday.
Qiyaamooyinkaas oo sii daba dheeraaday iyo raggii wadanka hogaanka u qabtay oo u xuubsiibtay qabyaalad iyo qaraaba kiileeysi waxay sababtay in 9 sanno kedib la dilay Madaxweynihii wadanka arinka lagu dilayna uu salka ku hayay qabyaalad laguna dilay dhulki uu ka soo jeeday.
Waxaa halkaa markeey arintu mareeyso ka faa’iideeystay xukunkii inqilaabna ku qabsaday wadanki koox uu ugu weeynaa General Maxamed Siyad Barre oo ka koobnaa 25 nin oo saraakiishii ciidamada ka mid ahaa.
Kala aamin bixid soo kala dhex gashay aawgeed waxaa halkaa ka biloowday in raggii golihii sare ee kacaanka ka tirsanaa ragoodi ugu cad cadaa la isla gartay in la qaarajiyo si xukunkoodu ugu adkaado oo aysan iyaga dhexdooda cadaw isugu noqo inta uu xukunkoodu ka adkaanaayo, maadaama golihaa sare ee kacaanka uu ku dhisnaa sida maanta 4.5 ka oo kale oo ay Somalida badankeedu ku jirtay waxa uu kacaankii u muuqday mid xowli ku soconaya oo bilaabay in waxbarashadii iyo horumarkii wadanku uu bilaawday sanadihii hore ee kacaanka.
Waxbarashadii iyo dhismihii ciidamada iyo awoodii xooganeyd ay ciidamadu yeesheen waxa u soo baxday Siyad Barre inay ku keeni karto in laga faramaroojisto xukunka sidii uu isaga ku yimid oo kale, kedibna waxa uu bilaabay inuu ciidamada awoodooda dhabarka ka kala jebiyo wuxuuna wadanka geliyay dagaal aan haba yaraatee wax dan ah ummadda Somaliyeed ugu jirin.
Dagaalkii lagu guuldareeystay oo ay Somaliya ku weeysay rag iyo dumar aad u fara badan oo ciidamada qalabka sida ahaa kedib waxaa biloowday in ciidankii uu burbur ku yimid, raggii saraakiisha ahaana ay a caroodeen hogaanka xun ee loogu hogaamiyay burburinta ciidamada.
Kedibna waxay go’aansadeen iney inqilaab sameeyaan,Inqilaabkaas oo ka soo hormaray 3 maalmood kaasoo loogu talo galay inuu dhoco 12 april uuna hogaamiyo Cornel C/laahi Yusuf, uma dhicin sidii loogu tala galay ee saraakiishii ayaa iyaga dhexdooda kala shakiyay oo qaarkood ay go’aansadeen ineeey ka soo hormariyaan uuna hogaamiyo Cornel Maxamed Sheekh Cusmaan “Cirro’ kedibna waxay isku dayeen 9 April 1978 inqilaabkii dhicisoobay ee lagu laayay saraakiil 17 sarkaal ka badan qaar badana lagu xiray.
Waxaa biloowday jabhado ka soo horjeeda xukuumadii keligii talihii Maxamed Siyad Barre oo markaan u sii xuub siibtay inuu umadda qabiil qabiil ukala saaro, ayna halkaa ka bilaabatay boob hantida qaranka, kala sareeyn ummada dhexdeeda ah oo baahday wuxuu kaloo isku dayay inuu qabaa’ilka qaarkood ka soo dhoweeysto kuwa kale wuxuuna isagoo arintaa ku dhaqaaqay bilaabay bishii August 1979 inuu qariidada wadanka oo markaa aheyd 8 gobol iyo 35 Degmo oo kala ahaa;-
.
- Waqooyi Galbeed
- Waqooyi Bari
- Bari
- Mudug
- Hiiraan
- Banaadir
- Jubbada Sare
- Jubbada Hoose
Wuxuu markaa wadanka u qeybiyay 16 Gobol muddo yar kedibna 2ba kale ku daray kana dhigay ugu danbeeyntii 18 Gobol isagoo isku dayay sida ay ugu suurto geli karto inuu Soomaalida Qabiil Qabiil u dejiyo, isagoo ka lahaa 2ba ujeedo oo dhaadheer uu ugu talo galay:
Marka hore inaaneey marnaba suurto gelin waxa la yiraahdo laba wadan oo isku darsamay ee Koonfur iyo waqooyi.
Marka xigana uu qabiilo ku abaalmariyo Gobollo uu u sameeyo si uu xukunkiisu ugu adkaado taageero badana kaga helo.
Wuxuu ku bilaabay in Gobolkii Waqooyi Galbeed uu ka dhex saaray gobol uu ugu magac daray Awdal.
Gobolkii Waqooyi Barina u kala saaray Togdheer, Sool & Sanaag, islamarkaana uu Togdheer ku daray Buuhoodle si aaneey reer Togdheer u noqon isku DNA una ogaadaan weligood in lala degan yahay, halka uu Sool u daayay beelo isku heyb ah, islamarkaana Sanaag uu ka dhigay Gobol la isla dego.
Gobolkii Bari wuxuu ka dhex saaray Nugaal islamarkaana u magacaabay dhamaan goboladaas degmooyin markii hore ahaa tuulooyin goboladaas waaweyn hoos imaan jiray taasoo maanta u fududeeysay Maamul Goboleedka Puntland inuu si fudud u hirgalo.
Gobolkii Mudug wuxuu u qeeybiyay Mudug & Galguduud oo ay Somali kala heyb ahi degto..
Markuu halkaas maraayo wuxuu arkay in Hiiraan oo ah gobol weyn oo labo loo qeeybin karo ay degaan Somali isku DNA ah, hadii uu labo u qeybiyo dhabarkana uu ku hayo Banaadir oo isagana uu 3dex u qeeybiyay, ayuu wuxuu ogaaday ineey halkaas ka soo baxeeyso 5 gobol oo kala noqon lahaa Hiiraan oo labo loo qeeybiyo , Sh/hoose , Banaadir & Sh/dhexe, oo noqonaya 5gobol oo isku DNA ah oo deris xagga kale kala ah Galguduud oo ay 90% isku Hayb yihiin wuxuu kedibna go’aansaday inuusan Hiiraan qeybin, waana Gobolka keliya ee ilaa maanta u taagan siduu ahaa xornimada ka hor.
Gobolkii Banaadir wuxuu u qeeybiyay 3dex Sh/dhexe, Banaadir Iyo Sh/hoose, Gobolkii Jubbada Sare wuxuu u qeeybiyay 3dex Bay ,Bakool iyo Gedo, halka Gobolkii Jubbada Hoose wuxuu u qeeybiyay Jubbada Hoose & Jubbada Dhexe.
Markii xukunkii Siyad Barre uu meesha ka baxay Somaliya waxay ku soo noqotay xornimadii kedib iyadoo Somaliland ay gooni isu taagtay maantana aan goboladeeda dowladda federalku ka talin, laakiin waxa dhibaatada ugu weyni ka jirtaa Koonfurti oo aad moodid inuu dab weyn dhex dhigay Xukunkii Siyad Barre waayo Hadii Somaliya ay ahaan laheyd 8dii Gobol ee aan aheyn maalintii aan xornimada qaadanay ee kala ahaa 2da Somaliland iyo 6dii Koonfureed waxaan hubaa maanta inaaneey Somaliya ka jiri laheyn waxa la yiraahdo Federalka ku saleeysan DNA-ga waayo 8daas gobol waxay ahaayeen gobolo ay Somalidu wada degto iyagoon isku DNA aheyn marka laga reebo laba Gobol oo keliya kuwaaso kala ahaa Gobolkii BARI iyo Gobolka HIIRAAN oo ah labada gobol ee ay maanta degaan Somali isku Heyb ah.
By Mustafa Salad Awale
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________
Advertisement
_____________________________________________________________________________________
|
_____________________________________________________________________________________
|
_____________________________________________________________________________________