December 04, 2009
(QOL) Mooshin ka dhan
ah madaxweynihii hore ee dalka Hondures Manual Zelaya
ayay ansixiyeen Baarlamaanka dalkaasi Hondures .
Ayadoo oo ay soo gabagabowday
codbixintii ka dhacday guud ahaan dalkaasi Hunduruus
ayaa waxaa wali soconaya is qabqabsi dhanka xilka ah
oo u dhaxeeya taageerayaasha madaxweynaha haatan la
wareegay xilka iyo kuwa Manual Zelaya.
Baarlamaanka dowlada hada
talada wadanka Hondures haysa ayaa u codeeyay Mooshin
ka dhan ah Madaxweynihii hore ee talada wadankaasi lagu
tuuray Manual Zelaya.
Baarlamanka Hondures oo
ka koobna 190 xubnood ayaa 124 kamid ah waxaa ay u codeweyeen
in aanu Zelaya ku soo biireen siyaasada iyo xukunka
hada ka jira Honderes,waxaana mooshinkaasi kasoo horjeestay
64 xubnood oo kamd ah baarlamaanka Honderes.
Manual Zelaya oo hada magangalyo
u jooga safaarada ay Brazil ku leedahay caasimada honderes
ee Tegucigalpa ayaa ku adkaysanaya in aanu aqbalayn
codaynta ka dhanka ah ee ay baarlamaanka Honders u codeeyeen.
Maalinimadii Axada oo wadanka
Honders uu yeeshy Madaxweyne cusub ayaa waxaa kasoo
horjeestay doorashooyinkii ka dhacay wadankaasi Madaxweynayaasha
Brazil,Argentina iyo Venezuela oo ku tilmaamay doorashooyin
aan xaq ahayn.
Si kasta oo ay ahaato inta
badan dowladaha laatiin ameerika ayaa qaban qaabinaya
in si gooni ah loo takoora dowlada cusub ee wadanka
Honders ee uu Madaxweynaha ka yahay Profirio lopo.
Dowlada Cusub ee Madaxweyne
Profirio waxaa horay u soo dhoweeyay dowlado ay kamid
tahay Maraykanka,iyadoona aan la ogayn halka ay ku damayn
doonto khilaaf ay dowlada cusub ee Honders kala kulanto
dowladaha ugu waaweyn laatiin Ameeriko.